Hindiya: Ilmo yar oo ku Dhashay Madax Iyo Saddex Gacmood

0
372

Dhakhaatiirta wadankaasi India ayaa ku guulaysaytay inay xaliyaan dhacdo ka dhacday wadankooda, kadib markii ay gabadh yar oo  reer Hindiya ahi ku dhalatay  arrin mucjiso ah.

Gabadhan ayaa ku dhalatay iyada oo leh  laba madax iyo saddex gacmood  , kuwaas oo dadka mucjiso ku noqotay, waxaanay  madaxa iyo gacanta dheeraadka ah ku lahayd gabadhaasi caloosha .

Waxa gabadhaasi yar qaliin ku sameeyey dhakhaatiirta  cisbitaalka  jk Lone oo ku yaala magaalada  Jaipur ee dalkaasi Hindiya, waxaanu qaliinka gabadhaasi yari socday muddo afar saacadood ah.

Hooyada ilmahan yar dhashay oo da’deedu tahay 21 sanno jir ayaa markii ay dhakhtarka tagtay loo sheegay inay  mataano sido,  iyada oo  tagtay cisbiaalka  Ram Shehi , waxaanay ka cabatay xanuuno dheeraada oo aanay kazoo marin caruurteedii hore.

Wargeyska Telegraph oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan  ayaa sheegay in  aanu madaxa labaad lahayn wax indho ah  iyo dhego ah, waxaanay dhakhaatiirtu hooyadan ku baadheen qalabka Ultrasound ka loo yaqaano, iyaga oo u sheegay inay mataano wado..

Markii ay hooyadani umushay waxay  dhashay ilme mucjiso ah , iyada oo  dhakhaatiirtu sheegeen in qaabka ilmuhu yahay sidii mataanaha oo kale, , iyada oo caruurta adduunka laga helo  1 milyanba  hal ilme.

Ninka qaba gabadhan oo ah beeralay ayaa dalbaday in  marka ugu horeysa  loo bad baadiyo xaaskiisa, haddii ilmaha la bad baadin karona ilmahana la bad baadiyo.

Qaliinkaasi lagu sameeyey ayaa lagu guulaystay ugu dambayn in madiiixii dheeraadka ahaa laga jaro ilmahaasi, iyada oo haddda si caadi ah loogu daweynaayo cisbitaalka lagu qalay.

Leave a Reply