Eray Bixinta Ogaysiiska Ah “ Biriishka London Wuu Burburay”

0
301

Boqoradda Ingriiska Elizabeth weli way nooshahay laakiin waxa jira eray bixin cusub oo ciidanku leeyahay oo sir ah oo marka boqoraddu dhimato la isku ogaysiinayo geerideeda.

Wargeyska Guardian ayaa daabacay in Ra’iisal wasaaraha Ingriiska warkaasi ma loo soo gubinayo la isticmaali doona weedha ah “ Biriishkii London wuu burburay”. Taasi oo loola jeedo Boqoradii way dhimatay. Arinkan ayaa noqonayaa bilowga dhacdooyin taxane ah oo loogu magic daray “ Hawlgalada Biriishka London”. Kuwaasi oo si kala duwan loogu isticmaali doono Biriishka London.

Wasaaradda Arimaha debdedd ayaa intaasi ka dib ogaysiin doonta 15 dal oo dunida ah.  Marka danbe wuxu ku soo xidhmi doona ogaysiisku iyadoo la ogaysiin 36 dal dunida oo ay ku jiraan kuwa Commonwealth.

Leave a Reply