Muhimadda Xidhiidhka Qaraabada

0
2188

Anas (Rc) wuxuu yidhi: Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi: “Qofkii doonaya in Arsaaqada loo balaadhiyo, cimrigana loo dheereeyo, qaraabadiisa (Ehelkiisa) ha xidhiidhiyo”.

(Bukhaari iyo Muslim)

Caa’isha (Rc)  (Xaaskii Rasuulka scw) waxay tidhi: Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: “Qaraabadu carshigay ku dhaggan tahay oo waxay tidhaahdaa: Allah (sw) wuu xidhiidhinayaa oo gacan qabanayaa qofkii i xidhiidhiya oo i gacan qabta; Allah wuu goynayaa qofkii i gooya”. (Bukhaari iyo Muslim).

Leave a Reply