Askar Booliis ah oo Miino kula Kacday Kiiniya

0
384

Afar Askari oo ka tirsan booliska Kenya ayaa la dilay, afar kalana dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii ay shalay subax miino la kacday baabuurkii ay saarnaayeen.

Weerarkaas wuxuu ka dhacay meel ku dhow degaanka kullan ee waqooyi bari Kenya.

Deegaankaasi wuxuu u dhawyahay xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka magaalada Libooya.

Masuuliyadda weerarkaas waxaa dusha u ridatay kooxda Shabaab.

Sarkaal Kenya u hadlay ayaa sheegay in aanay cabsi gelinayn weerarada lala bartilmaamaydsano ciidammada kenya, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay feejignaadaan oo ay booliska ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan wax ay ka shakiyaan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli la baadi goobayo labo macallin oo bishii saddexaad laga afduubay xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Kooxda shabaab ayaa weerarro dhowr ah horay ugu soo qaaday Kenya, gaar ahaan wixii ka dambeeyey markii 2011-kii ay ciidammada Kenya u talaabeen Soomaaliya.

Weeraradii ugu cuslaa waxaa ka mid ahaa Weerarkii lagu qaaday jaamacada Gaarisa 2015-kii iyo kii lagu qaaday xarunta dukaamaysiga ee Westgate 2013-kii.

 

 

Leave a Reply