Qofkii shanaad ayaa loo qabtay qaraxii isniintii ka dhacay Ingiriiska, waxaanaya sheegayaan boolisku in ay baadhayaan shabakad loo aaneynayo inay ka danbaysay weerarka isqarinta ahaa.
Ninka gaystay weerarkii Manchester ayaa loo badinayaa in aanu kaligii soo maleegin weerarka, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Amber Rudd.
Aabaha dhalay wiilka is qarxiyay oo la yidhaa Ramadaan iyo walaalkiisa ka yar oo la yidhaa Hashem ayaa lagu xidhay Liiibiya.
Salman Abedi ayaa dilay 22 ruux dhaawacayna 64 kale ka dib markii uu isku qarxiyay goob wayn oo ku taala Manchester oo lagu hayay bandhig faneed habeenkii Isniinta – labaatan ruux oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayay xaaladdooda caafimaad aad u liidataa lana dabiibayaa.
Heerka feejignaanta ee Britain ayaa la gaadhsiiyay meeshii u saraysay, taas oo ka dhigan in ay macquultahay in weerarro kale qarka soo saaran yihiin.
Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dalkaasi kaddib weerarkii Manchester.
Arrintani oo ah mid dhif iyo naadir ayaa waxaa ku dhawaaqday ra’iisul wasaarah dalka ingiriiska Theresa May oo sidoo kale sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta ee Britain kaddib markii qiimeyn rasmi ah lagu sameeyay khatarta dalka ka soo wajaheyso argagixisada, taasi oo ka dhigan in weeraro horleh ay dalka ka dhici karaan.
May waxay intaa ku dartay suurta galnimada ah in ninka weerarka geystay ay ku wehliyaan shaqsiyaad kale.
Abedi, iyo seddax carruur oo la dhalatay ayaa waxay marar kala duwan degeen xaafado ku yaalla Manchester oo mid ka mid ah boolisku ay baadheen.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkaasi ayaa la shaaciyay magacyadooda. 16 ka mid ah waxaa la sheegay inay ahaayeen carruur.