Khubaro saynisyahano ah oo ka socday jaamacadda Liverpool University ayaa daraasad ay dhowaan soo saareen ku sheegay in dadka ama qofka oo in badan isu dhiga cad ceedu ay keento ama keeni karto qofka oo si kediso ah u dhinta.
Khubaradan oo warbixin dheer ku daabacay wargeyska Daily Star oo uu warbixintan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in ay daraasadan ku sameeyeen 28 tijaabo oo ay ka qaadeen dad badan oo da’ahaan gaadhaayey ilaa 25 sanno jir, waxaanay khubaradu usoo jeediyeen in ay muddo laba toddobaad ah isu dhigaan cad ceeda ku dhacda goobaha xeebaha ah ee badda hareerohooda.
Khubaradda ayaa sheegay in ay heleen jawaab ah in dadkani ay noqdeen kuwo ay hoos u dhacday awoodii muruqyadooda iyo sidoo kalena awoodii jidhkooda, iyaga oo ay ku korodhay duxda badan ee jidhkooda gelaysa, gaar ahaana qaybaha hoose ee ubucda ah.
Duxdan ayaa la sheegay in ay jidhka ku keeni karto khal khal dheecaanada ah oo dhinaca jidhka ah, taas oo keeni karta inuu qofka wadnuhu u istaago si kedis ah.
Sababaha kale ee ay kooxdani sheegeen ayaa ahaa iyaga oo dadkaasi aanay bedelin habkooda nololeed iyo cunto ee waqtigaasi , taas oo 80% keeni karta inuu qofkaasi jidhkiisu si khaldan u qaato dux badan oo aanu u baahnayn, iyada oo loo soo jeediyey inay sameeyaan jimicsi badan iyo socodkooda oo ay kordhiyaan maalintiiba.
Daraasaddo hore oo la sameeyey ayaa lagu sheegay in 66% kamid ah dadka ku nool dhulka qabow ama wadamada qabow in ay ku kharash gareeyaan waqtigooda fasaxa xeebaha kala duwan oo ay ku cad ceedsadaan, kaas oo loo baahnaa inay bedelaan habkooda dhaqan iyo shaqo ee waqtigaasi.