Shirkadda Kalashnikof Ee Hubka Ruushka Oo Soo Saartay Kaare Robot Ah Oo Cusub

0
333

Shirkadda Hubka ee Kalashnikov oo ah shirkadda hubka ee wadankaasi Ruushka ayaa soo saartay hub casri ah, kaas oo loo adeegsan doono nooc cusub ama hab cusub oo aan hore loo adeegsan jirin.

Shirkadda ayaa soo saartay  kaare habka Robotka loo sameeyey, waxaana lagu magcaabaa Robotkaasi Suratnik, kaas oo lagu lagu maamulaayo Remote, waxaana si toosa ula wareegay wasaaradda difaaca ee wadankaasi Ruushka.

Maamulaha guud ee shirkadaasi Kalashnikov oo lagu magcaabo Alexei Krivorochko  oo bixiyey waraysi uu siiyey wakaalada Interfax ayaa ku sheegay in Robot kani uu kaga duwan yahay kuwii sida dadka u samaysnaa  isaga oo ah mid u samaysan sida kaaraha oo kale, kana dagaalami kara meelo kala duwan, waxaanu intaasi ku daray in uu geli karo meelaha aanay geli Karin ciidamada iyo  gawaadhida kale.

Waxa uu khabiirkani sheegay in kaarahani yahay mid  loo sameeyey inuu xambaaro hubka culus qaarkood, isaga oo sidoo kalena qaadi kara noocyo kala duwan oo hub ah , kuwaas oo  aan weli  loo habayn .

Masuulkan ayaa sheegay in  ay doonayaan inay soo saaraan qaybo kala duwan oo kamid ah  Robot-kan oo kale , kuwaas oo ay ku wareejin doonaan ciidamada wadankaasi.

Leave a Reply