Boqolaal Qoys oo ku Hayaamay Gobolka Awdal oo Codsaday In Dib loogu Celiyo Degaannadoodii

0
314

Boorama (Dawan)- Boqolaal qoys oo abaarihii dalka ka jira awgood u hayaamay gobolka Awdal ayaa xukuumadda ugu baaqay in laga caawiyo sidii dib loogu celin lahaa deegaannadii ay markii hore ka soo hayaameen, maadaama oo aanay haysan awood dhaqaale oo ay ku guuraan.

Xoghayaha  guddida abaaraha ee gobolka Awdal Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Cilmi ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada dadka soo guurtada ah ee ku sugan gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Tirada guud ee dadka soo guurtada ah ee awoodi waayay inay hada noqdaan ee gobolka ku sugan waa laba kun oo qoys, qoyskastaabana waxa uu heystaa ilaa boqol neef oo adhiya, waana dad danyara, waayayna gaadiid ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen waxaanay ku daadsan yihiin, Qulujeed ilaa Jig-jiga Jifada, Malaaley, Dila, Boorama iyo Banka Wajaale,” ayuu yidhi Guddoomiye Xasan oo u waramay idaacadda Radio Ergo.

Maxamed Haybe Aadan oo ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ee awoodi wayay inay dib ugu laabtaan deegaanadii ay markii hore ka soo gureen ayaa isaguna ka hadlay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin waxaanu yidhi “Halkan aanu deganahay waa Boorama galbeedkeeda, waxaana la yidhaaha deegaanka Maraaray, halkan ka sokeysa ilaa laba iyo toban kun oo neef way noqonayaan xoolaha degan ee waayay gaadiid lagu celiyo, gaadiidka aanu u baahanahayna waa ilaa todobaatan shaanboo, lacagta ku baxeysa ee gaadiidkaasi dadkaa iyo xoolahaasi ku celinayaana waa ilaa 30-kun oo dollar”

“Maalintii aan xagan u soo guuray waxaan halkan ku imid lacag dhan afar boqol oo dollar oo aan ku imid deegaanka Geed-balaadh, maalintii danbena saddex boqol oo dollar ayaan ku soo raray, oo aan ku keenay duleedka magaalada Boorama, celcelis ahaana todoba boqol oo dollar ayay noqoneysaa, xoolaha imika ii hadhayna waa boqol iyo siddeetan neef, markii horena waxa ay ahaayeen saddex tiro markaa imikana intaa inteedi uun baa leyga sugayaa”Ayuu yidhi Maxamed Haybe, waxaanu intaa ku daray “Xoolaha saylada ayaanu geynay hase ahaate waxaan ka badneyn saddex boqol iyo konton riyaal ayuu neefkiiba dhaafi waayay, dollar haday noqotana waa 12-dollar, markaa ma bixinayo hadii aan gabigiisa wada iibiyo gaadhigii aan dib ugu celin lahaa”

Gaadiid la’aan oo kaliya maaha dhibaatada soo guurtadan u diiday inay dib ugu laabtaan deegaanadoodi, waxaana Cismaan Maxamuud Cabdi oo ka mida dadka xoolo dhaqatada ah oo imika ku sugan deegaan Sog-sogley oo magaalada Boorama u jirta 35-km, uu sheegay in xoolahoodu ay awood daro u soo socon waayeen, waxaanu yidhi  “Bishan aynu ku jiro horaanteedi oo imika laga joogo laba todobaad ayaa markii dhulkii roobkii helay waxaa naga go’naatay inaanu dib u laabano, xoolaha imika ii noolina waa boqol iyo shan neef, Awr iyo neef Dameera, intaas ayay ka kooban yihiin inta abaarta ka soo doogtay ee gacanteyda ku jirtaa, xanibka u weyn ee na heystaa waxa weeyaan, masaafo dheer oo aan lagaga gayooneyn wadankii aanu ka nimid, wixii aanu heysanay oo aan cagaha iska raaceyn oo aan caafimaad toosa oo ay ku soconaya aan laheyn, dhagaxa meeshan iyo roobkii oo ay la qabsan waayeen, iyo itaal-daro iyo nafaqada oo ka dhiman”

Xasan Rabiic Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mida guddida taakuleynta abaaraha ee gobolka Awdal ayaa sheegay in ay xukuumada kala hadleen sidii dadkan kaalmo loogu fidin-lahaa waxaanu  yidhi “Xukuumada waanu gaadhsiiney in dadkani kaalmo u baahan yihiin waana hubaal oo waxa ay u baahan yihiin in si deg dega loogu jawaabo, waxaana loo baahan yahay in guddida taakuleynta dadka abaareysani ay si degdega uga soo jawaabaan baaqa ka soo yeedhaya dadkan soo guurtada ah ee aan heysan awood dhaqaale oo ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaaden”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply