Laascaanood: Maxkamad Loo Xilsaaray inay u Garnaqdo Beelo ku Dagaallamay Koonfurta Gobolka Sool

0
317

Laascaanood (Dawan)- Maxkamad islaami ah, ayaa xilsaaray ka-garnaqa colaad u dhexaysa laba beelood oo dhowr jeer ku dagaallamay koonfurta Gobolka Sool ee bariga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen magaalada Laascaanood shalay madax-dhaqameed, culimo tiro badan, waxgarad iyo odayaal ka kala socday labada beelood ee dirirtu u dhexayso, wefti ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Daakhiliga Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo taliyeyaasha ciidammada dawladda ee Gobolka Sool, ayaa lagaga dhawaaqay maxkamad islaami ah oo xilsaaray in xal waara ka gaadho colaadda beelahaas walaalaha ah oo muddo soo jiitamaysay.

Ugu horreyn, Suldaan Mustafe Aw Seed oo kulankaas ka hadlay, ayaa dhinacyadu colaaddu u dhexayso u jeediyey hadal isugu jira duco, waano iyo dardaaran, ”Waxa inoo yaalla maanta inaynu barakada bisha Ramadaan uu qof walba xumaantii qalbigiisa ku jirtay ku beddelo wanaag, wadna aragtaan waxa inoo yaal ee dhiig leh, dhaawac leh, colaad leh, Ilaahay inaynu u noqonno oo qadartiisa aan la baajin karin loo daayo siduu ina faray ayaa waajib ah, wixii maanta taagana aan ku soo dhawaanno, wixii dambena inaynu u talinno ayaa Ilaahay innoogu soo xulay awooddiisa, sidaa awgeed waa in qof cid kasta arrintan daacadnimadeedu ka soo go’do,” ayuu yidhi Suldaan Mustafe.

”Maanta oo bisha May tahay 28 sannadka 2017 (shalay) waxaannu culimo ahaan iyo dhinacyada xurgufta colaadeed dhextaal iyo xukuumadda Somalilandba isla qaadannay inaannu bilowno maxkamaddii loogu kala gar-qaadayey  beelaha Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad oo dhinac walba ka kooban yihiin 33 xubnood oo isugu jira cuqaal, samadoonno, ergay iyo culimaa’udiin. Waxa kale oo halkan fadhiya culimadii maxkamaddaa qaadi lahaa, waxaa fadhiya xukuumaddii oo ilaa heer Wasiirkii Arrimaha Gudaha oo fulin doonta go’aamada maxkamadda, Ilaahay sidii looga bartayna inuu xaqa innagu guuleeyo ayan ka rajeynaynaa, dhankiinana aad wax badan liqdaan oo isu tanaasushaan ayaanu idinka rajeynaynaa.” Sidaana waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Maxkamadda ee Nabadeynta Labada Beelood Dr. Sh Axmed Ismaaciil Mire.

Waxa kaloo kulankaas ka hadlay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo caddeeyey inay xukuumad ahaan fulin doonaan go’aamada maxkamaddu ka soo saarto colaadda soo noqnoqotay ee u dhexaysa beelaha walaaha ah.

”Waxaannu cid walba gaadhsiinaynaa in nabadeyntii beelaha colaaddu ku dhexmartay, halkanna aannu u joognay arrintoodii meel wacan ayey maraysaa, waxaanay hadda u gudubtay in maxkamad ay ku kala baxaan,runtiina labada dhinac waxay muujiyeen wanaag iyo bisayl, si wanaagsanna way uga soo qaybqaateen, sidoo kalena ugu doodeen,  idamka Ilaahayna waxaan rajeynaynaa inay guul ku dhammaato, beelaha waalaalaha ahna wixii dhex yaallay beekooda burcad ha isu mariyo, annaguna xukuumad ahaan waxaannu leenahay fulinta go’aamada ay maxkamaddu go’aamiso, waxana la soo gadhay sida muuqata in la joogo xilligii la soo gebogebayn lahaa dhibtii u dhexaysay labada beelood,” ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo maalmihii u dambeeyey hawsha nabadaynta beelahaas u jooga Gobolka Sool.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply