Wasiirka Caddaalada oo Sheegay Inay Dalal Badan La Galeen Heshiis ku Saabsan Budhcad Baddeeda

0
354

Sweden (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Caddaalada Jamhuuriyadda Somaliland,  Axmed Faarax Caddare ayaa sheegay in ay dalal badan oo adduunka ah ay la galeen hishiisyo caalamiyaha oo ku saabsan dhanka budhcad baddeednimada ah.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in dadka wadamada shisheeye danbiyada ka gala ee afka Soomaaliga ku hadlaa ay jecel yihiin  inay Somaliland yimaadan oo ay xukunkooda ku qaataan, maadaama oo tahay  wadan xasiloon, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga Saab isaga oo jooga magaalada Gotanbeeg ee dalka Sweden.

Wasiirka wasaarada caddaaladu mudane Axmed Faarax Caddare isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Somaliland maadaama ay muujisay wixii qaran uu calaamka kula shaqeyn lahaa amase xidhiidh kula gali lahaa, waxaan aaminsahay waxa inaga maqan kaliya kursigii UN-ka, aqoonsigii baayac mushtarkana waynu gaadhney inay Somaliland isu dhamaatana weynu gaadhnay oo maanta waxaa markhaati ka ah in Laascaanood laga qaatay kaadhkii aqoonsiga,  waxaynu sameynay xidhiidh caalamiya oo Somaliland ay ka mid noqotay ladagaalanka budhcad badeeda oo hishiis caalamiyana aanu la galney Siishalis oo dadka ku hadla af-ka Soomaaliga ee danbiyada ku soo gala  wadamada shisheeye iyaga ayaa jecleysta inay Somaliland yimaadan maadaama ay tahay wadan xasiloon oo amaana cidii xidhana marka xukunkoodi u dhamaado xaqbay u leeyihiin in la sii daayo”

Wasiir Caddare isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Horta sideedaba nin xabsi ku jira xoriyadiisa iyo xuquuqdiisiiba waa uu waayay, raaxana laga filan maayo, oo xabsigu waa in qofku dhibtii uu geystay uu dareemo lana dareemo lana soo tababaro ee aan lagu tacadiyin jeelka Mandheera iyo ka Hargeysaba waa sida jeelka caalamka oo kale”

Axmed Faarax Caddare wasiirka caddaaladu waxaa uu bulshada ugu baaqay in maxaabiista xidhan ay ka soo bixiyaan daynta iyaga oo ka faa’ideysanaya fadliga bisha barakeysan ee Rabadaan waxaanu yidhi “Dadka sadaqada amase sakada bixinaya waxaan ugu baaqaya waxaa jira dad badan oo cadilan oo dayn lagu leeyahay oo jeelasha ku xidhan loona heysto dayn madaniya  waxaanan aaminsahay in meelaha ugu badan ee sadaqadu ay ku bixi kartaa ay tahay jeelasha in ay bisha barakeysan ee Ramadaan ka faa’ideystaan oo dadka walaalahooda ee ku xidhan jeelasha ay daynta ka bixiyaan loona iibiyo xadhiga, ”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply