Qiso: Wiilka Dhashay Wuxu Wataa Risiqiisa!

0
467

Nin shaqaale ah oo mushahar yar qaadanayay, laakiin shaqadiisu wanaagsan tahay ayaa maalin habsaamay. Maamulaha ayaa u qaatay in lacagta yar ay dhibaatadu tahay, ka dibna waxooga ayuu u kordhiyay.

Laakiin kordhkaasi kama mahadniqin. Maalin danbe ayuu haddana habsaamay, markaasi ayuu maamuluhu u arkay nimaan shaqada dan ka lahayn ka dibna wuxu ka jaray qadarkii uu ugu daray.

Markii uu qaatay haddana mar kale ninkii wax dhibaato ah kuma keeniin, mana caban.

Maamulaha oo aad u yaaban ayaa u yeedhay oo ku yidhi “ Maalintii aan kuu kordhiyay, maad dareemin, manta oo aan ka jarayna ismaad bedelin, maxaa kuugu wacan”?

Ninkii ayaa ku  jawaabay “ Maalintii aad ii kordhisay waxa ii dhashay wiil, waxaana aan u fahmay in wiilku arsaqadiisa wato. Markan aad adiga jartayna waxa dhimatay hooyaday, waxaan u fahmay in arsaaqadeedii la iga jaray.

Maamulaha oo fikiradaha ninka la yaaban ayaa u soo celiyay qadarkii uu ka jaray markii uu ogaaday in aanu shaqo sagsaag ahayn.

 

Leave a Reply