Shiinaha oo Guul Dublamaasiyadeed Gaadhey

0
411

Shiinaha ayaa ku tallaabsadey guul dublomaasi kadib  markii Dawladda Baanama ay jartay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay wakhtiga dheer la lahayd Taywan, taas baddalkeedana ay xidhiidh cusub la billawday dalka Shiinaha.

Dawladdu waxay sheegtay in ay aqoonsatay “in Shiinuhu uu hal dal yahay” ayna Taywan u aragto qayb ka mid ah.

Taywan ayaa muujisay in ay arrintaas “ka xanaaqday kana xuntahay” waxayna dalka Banama ku eedaysay in uu u “cagojuglaynayo”.

Shiinaha ayaa Taywan u arka gobol dalkeeda ka mid ah, dalal badan ayaana calaaqaad la leh Taywan badalkii Shiinaha, Baanama ayaase ah dalkii u dambeeyay ee arrintaas badala.

Dalka Sao Tome and Principe ee qaaradda Afrika ku yaalla ayaa bishii Desembar ee sannadkii hore qaatay go’aan kan la mid ah.

Bishii lixaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii hogaamiyaha Taiwan Tsai Ing-wen ay booqashadeedii koowaad ee dibadda ah ay ku tagtay dalka Baanama.

Hadda 20 dal oo kali ah ayaa calaaqaad dublamaasiyadeed la leh Taywan.

Shiinaha ayaa sannadihii u dambeeyay aad u kordhiyay maalgashiga uu ku samaysanayo dalka Banama oo ku yaalla qaaradda Ameerika lehna gacanka Banama ee muhiimka u ah ganacsiga adduunka.

ku dhawaaqitaanka Banama ka dib warbaahinta dawladda Shiinaha ayaa shaacisay sawirrada labada wasiir arrimo dibadeed oo heshiis dublamaasiyadeed ku saxeexanaya magaalada Beijing.

 

Leave a Reply