Sharci Cusub oo Xoojinaya Cunaqabateynta Maraykanka ee Saaran Ruushka

0
405

Xubno ka tirsan Aqalka senate-ka Mareykanka ayaa Isniintii isku raacay sharci cusub oo lagu xoojinayo cunaqabateynada saaran dalka Ruushka.

Sharciga cusub ayaa waxaa ku jira qodobo dhigaya in ay qasab noqon doonto in kongress-ka Mareykanka uu dib u eegis ku sameeyo, haddii Aqalka Cad uu khafiifiyo ama joojiyo qeybo ka mid ah cunaqabateynta horey u saarneyd Ruushka.

Sharcigan cusub ayaa la filayaa inay si buuxda u taageeraan xubnaha Senate-ka Mareykanka si buuxda loo horgeeyo, waxaana kadib loo gubdin doonaa aqalka wakiilada, ka hor inta uusan saxeexin madaxweyne Donald Trump.

Bayaan ka soo baxay hogaamiyayaasha Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee guddiga maaliyadda ee Senate-ka ayaa sheegay “in cunaqabateynta la ballaadhiyey ee Ruushka ay jawaab u tahay xadgudubyada Ruushka ku sameeyeen madaxbanaanida dhuleed ee dalka Ukraine iyo gobolka Crimea iyo weerarkii internetka ee ay ku qaadeen doorashooyinkii Mareykanka”.

Aqalada wakiilada iyo Senate-ka Mareykanka iyo Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa baadhaya faro-gelinta la rumeysan yahay in Ruushku ku sameeyeen doorashooyinkii madaxweyne ee Mareykanka ee sanadkii tagay.

 

 

Leave a Reply