Diyaarad uu Dalooshamay Matoorku oo Dib u Fadhiisatay Garoonkii ay ka Kacday

0
419

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee China Eastern Airlines ayaa dib ugu laabatay garoonka magaalada Sydney ee dalka Australiya ka dib markii cillad gashay ay horseedday in uu dalooshamo dahaadhkii matoorka.

Diyaaraddan oo Flyt lambarkeedu ahaa MU736 ayaa ka duushay magaalda Sydney iyada oo ku sii jeedday Shanghai, laakiin duuliyaha ayaa cilad soo sheegay markii ay hal saac hawada ku sii jirtay.

Rakaabka oo habeen joogay garoonka Sydney ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo ureen wax ku dhex gubanaya diyaaradda gudaheeda.

Diyaaradda oo nooceedu ahayd Airbus A330 ayaa cagodhigatay iyadoo badqabta lamana soo sheegin cid wax ku noqotay.

Sawirro aad u dhexwareegay baraha bulshada ayaa muujinaya duleel wayn oo ka samaysmay dahaadhkii matoorka.

Rakaab kala duwan ayaa sheegay in ay maqleen dhawaq xoog badan oo ka soo yeedhay dhanka matoorka bidixda ah wax yar uun ka dib markii ay diyaaraddu duushay.

 

Qof ka mid ah rakaabka ayaa warbaahinta Seven News ee dalka Australiya u sheegay in ay durba maqleen dhawaqa ayna u soo ureen siddii wax gubanaya.

“Aad ayaan u cabsaday, kooxdayadiina aad ayay u baqeen”. ayuu sii raaciyay.

Greg Waldron oo ah khabiir dhanka duulimaadyada hawadda ah ayaa BBC u sheegay in ay “adagtahay in hadda wax laga sheego waxa sababay waxyeeladan intaas la eg ee soo gaadhay diyaaradda shirkadda China Eastern.

Wuxuu intaas ku daray in baadheyaashu ay darsi doonaan waxyaabaha ay macquulka tahay in ay sababeen iyo diiwaanka cilladihii horay u soo foodsaaray diyaaradda.

 

Leave a Reply