Xildhibaanno Laba Boqol ku Dhaw oo Dacwad ka Gudbiyay Trump

0
390

Ku dhawaad 200 oo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad geeyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Donald Trump, iyaga oo ku eedeeyay in uu lacago ka helay dowlado shisheeye iyaga oo u sii marinaya ganacsigiisa.

Waxay ku eedeeyeen madaxwayne Trump in uu ku tuntay dastuurka gaar ahaan qodobka ka mamnuucaya in uu helo hadiyad iyada oo aysan ogolaanin Aqalka Kongresku.

Waxa ay sheegeen in xildhibaannadii ugu badnaa ee abid dacwad ku soo ooga madaxweyne Maraykan ah.

Saraakiil ka tirsan dowlada iyo ganacsato ayaa dhankoodana ka wada kiis kan la mid ah oo ka dhan ah madaxwayne Trump.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa beeniyay eedeeynta loo soo jeediyay madaxweynaha.

Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magacaabo Sean Spicer ayaa ku tilmaamay eedeyntan mid siyaasad ay ka danbayso.

 

 

Leave a Reply