Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in ay xukuumadda Kulmiye ka go’an tahay horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka.
Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay shir lagaga hadlayay qorshaha waxbarashada Somaliland ee sanadka 2017 ilaa 2021-ka, waxaanu tilmaamay in ay xukuumadda ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddii Kulmiye ku guulaysto doorashada madaxtooyadda ee soo socota yoolkoodu yahay in ahmiyad la siiyo hawlaha waxbarashada.
Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawlada Somaliland waxay si cad u balanqaadaysaa in ay kaalin laxaad leh ka qaadan doonto ahmiyadna siin doonto hawlaha horumarinta waxbarashada, muddadii aanu haynay xilka wax badan ayaa noo qabsoomay, sida noo qorshaysan iyadoo doorashooyin soo dhawyihiin waxa ka mida yoolka xisbiga Kulmiye hadii aanu ku guulaysano doorashada soo socota kaalin wayn ayay kaga jirtaa in waxbarashada dalka la tayeeyo, si loo gaadho yoolka heerka waxbarashada Somaliland oo soo martay marxalado kala duwan, waxaanay maanta maraysaa waxbarashadu wakhtigii aanu tirada iyo dhinaca tayada waxbarashada saari lahayn. waayo wax kastaaba wakhti ayuu leeyahay maadaama oo aanu markii hore ku dedaalaynay in aanu meel kasta dugsi ka dhisno iyo in cid kasta wax la baro.”
Dawannews Hargeysa office