Xukuumadda oo ka Hadashay Muran ka Dhashay Maamulka Kawaanka Burco iyo Diyaarado Gef ka Galay Somaliland

0
361

Burco(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyada Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa sheegay in baadhitaan iyo dabagal caafimaad oo laga sameeyey magaalada Burco in lagu ogaaday in shuban-biyoodkii ka dilaacay Burco ay kayb ka noqon karto saxo xumo ballaadhan oo ka jirtay xero dhiigta(kawaanka gawraca) xoolaha ee magaalada Burco oo uu sheegay in ay tahay meel nadaafad darro ay ka jirto.

Waxa kaloo  uu ka hadlay diyaarado dagaal oo ku soo xadgudbay hawada Somaliland isla markaana rasaas ku riday deegaanno ka tirsan gobolka Selel oo  khasaare ka geystay iyo nabadayntii gobolka Sool halka ay marayso.

Wasiir Faratoon oo isagoo ku sugan magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer khadka Talefoonka  ugu warramay Wargayska Dawan,ayaa ugu horrayn mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ujeedada socdaalka uu ku tegay magaalada Burco,ayaa yidhi. “Burco waxaan u nimi arrimo  ay ka mid yihiin sidii loo dhammayn lahaa khilaaf ka dhashay Kawaanka cusub ee gawraca Xoolaha furitaankiisa iyo sidi loogu guuri lahaa oo  uu muran soo kala dhex galay maamulka Dawladda hoose ee Burco iyo Shirkad maalgalintiisa wax ku lahayd oo ay wada leeyihiin ganacsato reer Somaliland ah oo gobolka u dhashay iyo dad maleeshiyaan ah taasoo la isku qabtay cidda maamulkeeda yeelanaysa. Arrintuna waxay ka dhalatay Burco waa tii uu dhawaan ka dilaacay Shuban-biyoodkii asaaraha badan geystay taasina waxay keentay in baadhtaanno caafimaad iyo daba gal nadaafadeed buuxa in lagu sameeyo guud ahaan magaalada Burco oo la ogaado meel ay ka jiraan wax nadaafad darro ah oo ka ayb aadan kara  faafista Shuba-biyoodka,taana waxaa lagu ogaaday in saxo xumo badan iyo halis caafimaad oo aan loo dul aadan karini in ay ka jiro xero dhiigta magaalada Burco ee Xoolaha lagu alo halkaas oo ah meel aad u dhimatay oo nadaafad xun oo dhiiggii iyo uuskii xooluhu buuxdhaafiyeen oo aan nadaafadeeda aan laga shaayn lana hagaajin karin,markaa waxaa la isla gartay in goobtaa la xidho loona guuro kawaan kale oo magaalada laga dhisay oo casri ah oo muddo badan diyaar ahaa laakiin iska xidhnaa oo aan lagu shaqayn oo ay dhawr Milyan oo Dolar ku baxday isla markaana ay Somaliland ka caawiyeen Hay’addaha Qaramada Midoobay dhismihiisa, gacanna ay ka geysteen shirkad dad muwaanihiin ganacsato ah iyo dad reer Maleesiya ahi ay ku midaysan yihiin.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “markii la isla qaatay in xero dhiigta hore ee caafimaad darada keentay ee uuskii iyo dhiigii xoolahaba ku daraysa dooxa way nee magaalada Burco in la xidho oo kaa cusub ee casriga ah loo guuro ayaa la isku khilaafay cidda yeelanaysa maamulkiisa oo ay isku fahmi waayeen shirkadii muwaadiniinta iyo Maleeshiyaanku ku midaysnaayeen iyo maamulkii dawladda hoose iyo wasaaradda Xanmnaanada Xooluhu markaa dhinacyadii oo dhan waanu isu keenay hawshaasina  meel fiican ayay noo maraysaa go,aanka u dambeeyana caawa(xalay) ayaanu wada gaadhaynaa oo aanu balansanahay salaadda taraawiixda ka dib.”

Wasiirka oo  ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay hawl gallo ay ciidanka qaranka iyo maamulka Gobolka Sool maalmihii ugu dambeeyay ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Sool,ayaa yidhi; “halkaa dhibaato maanta kama jirto ciidanka aranka iyo maamulka gobolka Sool hawlaha ay wadaanna waa arrimo ka mid ah fulinta go’aamadii dawladda waxaanan kuu sheegayaa in beelihii walaalaha ahaa ee colaaddu ay kala kaxaysay ay isu soo boholyoobeen oo ay nabad ku wada degen yihiin magaalooyinkii  iyo tuulooyinkii ay ku kala qaxeen oo ay xoolihii isku meel wada daaayaan oo qoysaska isku mid yihiin oo hal qof xoolaha wada foofinayo.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiyay diyaarado dagaal oo duqayn ka geystay gobolka Selel, waxaannu yidhi; “Diyaaradahaasi waxay ku soo xadgudbeen hawada Somaliland oo ay duqayn ka geysteen isla markaana waxaa jira qasaare xoolo ah,waxaana noo socda baadhitaano ay dawladdu waddo markaanu baadhitaana soo dhammayno ee aanu helno cidda lahayd iyo sababta ay duqaynta gardarada ah uga geysteen gudaha Somaliland ayaanu ka hadlaynaa mana aha mid aanu ka hadhayno illaa aanu ogaano cidda falkaa gardarada ah dalka ku soo qaadaynaya baadhitaankiisa waanu wadaynaa,dawladuhuna siyaabo badan ayay wax u baadhaan imika odhan maayo sidaas iyo noocaas ayaanu u wadnaa baadhitaanka laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in dawladdu baadhitaankaa ku jirto diyaarna ay u tahay n ay dadkeeda dhul cir iyo badba ay difaacdo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply