Dowladda Ruushka ayaa si cadho leh uga jawaabtay diyaarad uu Maraykanka ku soo riday koonfurta dalka Suuriya meel u dhow goobaha ay Maraykanku ka howgalaan.
Maraykanku waxuu sheegay in diyaaradan ay ahayd mid xasarad abuuraysay. Balse Ruushku waa uu cambaareeyey soo ridida diyaaradda.
Mar sii horraysay ayaa wasaarada gaashaandhiga ee Maraykan ee Pentagon waxay sheegtay in koonfurta Suuriya meel u dhaw goobta ay ka howlgalaan Maraykanka iyo xoogaga ay taageeraan ay ku soo rideen diyaarad nooca drones-ka.
Maalintii Axadda ayay ahayd markii diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Suuriya la soo riday taasi oo sababtay in Ruushka uu ka cadhoodo tallaabadaasi, waxaa uu ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda.
Ruushku waxaa kale oo uu sheegey in dhamaan uu joojinayo wadashaqayntii uu la lahaa Mareykanka ee ka hortaga shilalka hawada Suuriya, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u sheegay Maraykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida dhuleed ee Suuriya, ayna ka fogaadaan tallaabo hal dhinac ah.
Hase ahaate Maraykanka ayaa isna horey u sheegay in uu is difaaci doono.