Caasimadda Angola oo Noqotay Magaalada ugu Qaalisan ee ay Ajaaniib ku Noolaadaan

0
299

Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa mar kale noqotay magaalada ugu qaalisan ee ay dad ajnabi ah ku noolaadaan, waxayna kaalintaasi kala wareegtay magaalada Hong Kong oo hadda kaalinta labaad gashay.

Waxay xogtaasi ka soo baxday qiimayntii 23aad ee lagu sameeyo qiimaha nolosha oo ay samaysay shirkadda Mercer.

Labadaas magaalo waxaa shanta kaalmood ee hore ku weheliya Tokyo, Zurich iyo Singapore.

Magaalada London ayaa dib ugu dhacday kaalinta 30aad, waxaana arrintaas qayb ka ah qiimaha lacagta giniga ah oo hoos u dhacday, iyadoo magaalooyinka waawayn ee UK ay sidoo kale hoos u dhaceen.

“London ayaa mar kale dib u dhacday sannadkan iyadoo lacagta giniga ay wiiqantay, iyadoo Britain-na ay gashay afti ay kaga baxday Midawga Yurub,” sida ay sheegtay Kate Fitzpatrick oo ka tirsan Mercer.

Qiimayntan sannad laha ah waxaa lagu eegaa waxyaabo ka baxsan kirada guryaha ee ay ajaaniibtu kiraystaan.

New York

Magaalo kasta waxaa laga qiimeeyaa 200 oo shay oo ay ka mid yihiin, qiimaha guryaha, dharka, cuntada iyo waxyaabaha maaweelo ahaan loo adeegsado.

Tusaale ahaan qiimaha kirada caalamiga ah ee saddexda qol ee aan qalabaysnayn ee ku yaalla meel wanaagsan intooda badan waa 13,000 oo doolar.

Guud ahaan magaalooyinka Aasiya iyo kuwa Yurub ayaa u qaalisan.

Kaalinta lixaad ilaa ta tobnaadna waxaa kala galay Seoul, Geneva, Shanghai, New York iyo Bern.

 

Leave a Reply