Shirkadda Dahabshiil oo ka Qaybqaadanaysa Ururinta iyo Gaadhsiinta Deeqo Loogu Talogalay Soomaalida Abaaraha ku Caydhoobay

0
338

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda Dahabshiil Group iyo Hayadda Laanqayrta Cas ee Dawladda Imaaraadka ayaa doorwayn ka qaadanaya soo uriirinta iyo gaadhsiinta gargaar kaalmo ah oo loo uruurinayo dadka abaaraha ku caydhoobay ee Soomaalida ku dhaqan dhulalka Geeska Afrika ah.

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil,ayaa sheegay in guud ahaan shirkadda Dahabshiil Group qaybaheeda ganacsi  ee kala duwani in ay mar kasta diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dhibaato kasta oo soo gaadha dadka Soomaalida ah deegaankasta iyo meel kasta oo ay ku sugan yihiin isla markaana ay ka qayb qaaddato soo kabashada nolosha dadka markay xaaladi soo korodho.

Waxaa  kale oo uu Cabdirashiid Dahabshiil uu intaa raaciyay in Shirkadda Dahabdhiil Group imika ay ka qayb qaadanayso soo uruurinta  deeq kaalmo ah oo ay iska kaashanayaan ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta isla markaana ay kala shaqaynayso soo uruurinta lacagahaas iyo gaadhsiinta  deegaamda loogu talo galayba.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay ka shirkad ahaanna si gaar ah dhankooda uga qayb qaataan arima baniaadanimo ee guud ahaan looga baahan yahay deegaanada iyo dalalka kala duwan ee ay ka shaqeeyaan guud ahaan Dahabshiil Group.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply