Khilaaf ka Taagnaa Ceelasha Biyo Soo Saarka Gabiley oo la Furdaamiyey iyo Cabashadii Beeralayda oo Taagan

0
316

Gabiley (Dawan):  Muran  mudooyinkan ka taagnaa ceelasha biyuhu uga yimaadaan magaaladda Gabiley ee  degaanka  loo yaqaano  Botor  oo   dhinaca Galbeed  kaga beegan Gabiley  ayaa la  sheegay in  soo af-jaray.

Waxaana soo af-jaridda khilaafkaas iska kaashaday odayaasha degaanka  iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee Gabiley, iyadoo  la shaaciyay in si rasmi ah ay maamulka ceelasha biyaha Botor ula wareegtay dawladda hoose ee Gabiley.

Khilaafka ka taagnaa ceelasha biyuhu uga yimaadaan Gabiley ee Botor ayaa ka dhashay kadib markii bulshadda degaanka Botor ay sameeyeen rebshaddo  ay kaga soo hor jeedaan in xukuumadu kaga  baxday heshiis ay hore u wada galeen.

Heshiiskaasi  oo ahaa in marka biyaha la soo saaro  in dadka beeralayda ah qayb laga  siiyo biyahaasi si ay beeraha ugu waraabsadaan.

Talaabadaasi oo  keentay in bulshadda degaanka Botor ay  jareen dhuumaha biyaha ka soo qaadda ceelasha ee keena magaaladda Gabiley, iyadoo ay taasina  ka dhalatay in   magaaladda Gabiley laga dareemay biyo la’aan maalmahan.

Sidoo kale waxaa jirtay   in   dad  gaadhaya 35  ruux oo isugu jiray odayaal iyo dhalinyarro  ka mid ah kuwa degaanka Botor loo soo xidhay falkii kicinta ahaa iyo jaristii dhuumaha biyaha, kuwaasi oo muddo todobaad ah ku xidhan  saldhigyadda magaaladda Hargaysa.

Hase yeeshee waxaa shalay si wada jir ah degaanka Botor ee ceelasha biyo-soorka Gabiley  uga sheegay in khilaafkaasi la soo  af-jaray  maayarka Gabiley oo ay wehelinayeen xildhibaano  ka mid ah golaha degaanka iyo  madax dhaqameedka reer  Gabiley ah.

Maayarka Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, oo hadal ka jeediyay  goobtii ay  ka shaacinayeen in khilaafkaasi la  dhameeyay waxa uu yidhi   “Maanta (shalay) waxaanu halkan ka shaacinaynaa in aanu soo geba-gabaynay  anagoo gacmaha is-haysana, odayaasha degaanka iyo dawladii-ba khilaafkii farsamo  ee mudaba ka jiray ceelasha biyaha Botoreed.  Ugu horayn ILLAAHAY (SWT)  ayaan  uga maahd celinaynaa oo maalmahan khayrka leh ee Ramadaan  ina waafajiyay  in aan gacmahaeena ku xalinay iyadoon dhib badani dhicin, dhibaatadii jirtay.

Marka labaad waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka oo hawshan laf-dhabar u ahaa in ay wanaag ku dhamaato. Waxa kale oo aanu maamul ahaan u mahad celinaynaa ciidamadda amaanka oo hawshaasi xalinteedii dhaawacyo culusi ku soo gaadheen”.

Geesta kale  Salaasadii doraad ayaa dadka degaanka Botor waxay   sheegeen in ay   taageeradii kala noqdeen xisbiga KULMIYE  oo ay hore u taabacsanaayeen, isla markaana  wixii hadda ka danbeeya ay taageereyaal u yihiin codkoodana siinayaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

 Haseyeeshee  maayarka Gabiley ayaa   ku  dhaliilay in ay siyaasad xumo u tahay xisbiga Waddani, oo uu ku eedeeyay  inuu siyaasadeeyay khilaafkaasi  u dhexeeyay xukuumadda iyo dadka degaanka Botor.

 “Biyuhu waa noloshii, in ay hadal galaan iyo in la siyaasadeeyo  ma qurux bad-na. waxaanu u   mahad celinaynaa dadkii wanaagaa ka qayb galay, waxaanu aad  uga xunahay dadka sida qaldan u fikiraya ee in ay buun-buuniyaan, oo ay siyaasadeeyaan, ee  fursad siyaasadeed ka deyay waxan noloshii umadu ku xidhan tahay.

  Waxaanu  leenahay iyaga-na (Waddani)  ILLAAHAY ha soo hadeeyo, waxba ku fogaan mayno, dad baa meelahaa  maryo cas-cas loo sudhay, aad  baanan uga xunnahay. Xisbiga Waddani waa xisbi qaran,  danta qaran-kana waa la wada leeyahay,  mucaarid iyo muxaafid-ba, in Gabiley biyo hesho, oo dadka degaanka Botor  ay xaqoodda helaan, mucaarid iyo muxaafid-ba  in gacmaha la isku qabsado weeyi,  laakiin haddii marba meesha wax yari ka dhacaan  aad maryo cas la soo orodaan,  waa idiin siyaasad xumo. Masuuliyadayadu waxay tahay bulshadda Gabiley ay biyo helaan, dadka reer Botoreed ee beerahoodda biyaha laga helayna ay xaqoodda helaan” ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Dhinaca kale inkastoo maayarka Gabiley iyo odayaashii degaanka ee shalay halkaasi ka hadlay ay sheegeen in khilaafkaasi la soo af-jaray, labadda qolo midkood-na ma cadaynin waxa lagu qanciyay cabashadii  bulshadda degaanka Botor ee  la xidhiidhay in ay helaan biyaha  qaybtii ay beeraha ku waraabsan lahaayeen sidii ay dawladda Somaliland ku heshiiyeen wakhtigii la bilaabayay qodista ceelasha.

 

Sidoo kale odayaasha iyo maayarka Gabiley  ayaan soo hadal qaadin wakhtiga la sii daynayo dadkii loo soo xidhay falkii lagu jaray dhuumaha biyaha keena Gabiley, kuwaasi oo weli ku xidhan saldhigyadda booliska Hargaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply