D/Hoose ee Burco oo u Digtay Hilibleyaal ka Biyo Diiday Kawaan Cusub

0
372

Burco (Dawan)- Waxa sii xoogaysanaya khilaafka ka dhaxeeya Golaha Deegaanka degmada Burco iyo hilibleyaasha Magaaladaas  oo si adag uga soo horjeeda kawaan cusub oo laga hirgeliyay si kor loogu qaado  nadaafada kawaanka.

 

Golaha deegaanka degmada Burco, ayaa shalay fariin adag u diray kooxo la sheegay in ay ka mid yihiin hiliblayaasha kawaankii hore ee magaalada oo bilaabay inay cidhifyada degmada ku qalaan Xoolaha.

 

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Burco, Cismaan Maxamed Sh. Cismaan, ayaa dadweynaha uga digay dhibaatada ka dhalan karta xoolaha lagu qalo magaalada gudaheeda waxaannu  yidhi “Waxaan ugu digaynaa dadweynaha  isticmalaaya hareeraha magaalada ee guryaha ku qalaya xoolaha dadkaasi umay tudhin dadweynaha , waxaannu ka qaadaynaa talaabo degdeg ah.”

 

 

Ku xigeenka Duqa Degmada Burco, Muxumed Xoday, ayaa fariin u diray dadka xoolaha qala waxaannu   yidhi “Waxa aanu fariin cad u diraynaa dadka faraha kula jira iyada oo ay sababayso xaNnuunka bulshada iyo degmada aynu doonayn in lala dagaalamo oo la kantaroolo marka koonayaasha magaalada nin walba xoolo ku qallo xannuunkii wuu sii laba kaclaynayaa. waxaannu u aqoonsanahay dadkaasi inay lid ku yihiin  Caafimaadka degmada iyo awaamirtii ka soo baxday golaha deegaanka umana jeedaan daryeelka dadka danyarta ah ee  ku dhaqan degmada cid walba oo lagu qabto waxaa laga qaadayaa talaabo sharciya.”

 

Dhinaca Kale qaybaha kala duwan ee hiliblayaasha magaalada Burco ayaa sheegay in haddii la burburiyey kawaankii hore loo baahan yahay xarun ay gacanta ku hayso dawladda hoose oo loo guuro .

Muranka ayaa ka bilaabay markii la baabiyay kawaankii hore ee magaalada Burco oo la sheegay inay ka jirtay  xaalad nadaafad darro  baahsan sidaa darteedna loo guuro kawaan cusub oo dhawaan laga dhisay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply