Habeenkii Oo La Shaqeeyaa Waxay Keeni Kartaa Dhaawacyo Maskaxda Soo Gaadha

0
336

Daraasad cusub oo ay soo saareen koox ka socotay dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu sheegay in habeenkii oo la shaqeeyaa ay keento inay dhaawacyo la kulanto maskaxda qofkaasi,taas oo keenti karta inuu qofkaasi waasho ama xanuuno kale oo jidheed ku dhacaan ,kuwaas oo waxyeelo weyn u geysan kara qofkaasi .

Daraasadan oo ay samaysay xarunta cilmibaadhista dhinaca hurdada ah ayaa sheegay in saacado yar oo qofku seexdo ay keento in aan naftu helin waxyaalahay u baahnayd,gaar ahaan nasasho ku filan oo ah waxyaalah ugu badan ee la doonaayo inay naftu hesho,waana mid waxyeelo soo gaadhsiisa qofka marka uu nafta siin waayo nasashadaasi loo baahan yahay in naftu ay hesho ,gaar ahaan waqtiyada habeenkii oo la shaqeeyo ayaa ah kuwo keena waxyaalo ay kamid tahay cimri degdeg iyo sidoo kalena maskaxda oo laga yaabo inuu kazoo gaadho qofkaasi dhaawac.

Daraasadan ayaa ah mid lagu sameeyey 22 qof oo shaqeeya habeenkii kuwo kale oo aan shaqayn xilligan laakin hore u shaqayn jiray ayaa iyaguna ahaa kuwo si weyn uga qayb qaatay daraasadan,waxaana is barbar dhig lagu sameeyey labadaasi kooxood oo la doonaayey in laga qaato tusaaleyaal kala duwan oo la xidhiidha waxyaalaha u dhexeeya dadkaasi .

Dadka habeenkii shaqeeya ee aan seexan ayaa lagu sheegay daraasadan inay halis ugu jiraan xanuun badan oo ay kamid yihiin dhiig karka,sidoo kalena ay wadno xanuun ,cancer iyo macaan intaba halis ugu jiraan inay ugu dhacaan si fudud,sida lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Proceedings of the national Academy of Sciences oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.

“tijaabooyin dhiiga ah ayaa tilmaamaya in caadi ahaan 6% kamid ah jiinniska ama hindesideyaasha dadku sameeyaan khal khal kuwaas oo ah kuwa uu jidhka bini’aadmigu ka kooban yahay ,kunan xidhan DNA-da qofka ,waana mid maalintii aan isbedelin laakin habeenkii isbedela “sidaasna waxa yidhi khubarada daraasadan wadey qaar kamid ah .

Daraasad dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay inay dhaawacmaan xubnaha hindesideyaasha ah ee kala duwan ,kuwaas oo ah kuwa inta ugu badan khalkhalka iyo dhaawaca ugu badaniba soo gaadho,waxaana ugu badan dadka uu soo gaadho dhaawacaasi dadka habeenkii shaqeeya soona jeeda,kuwaas oo ay dhici karto inuu dhiig maskaxda kaga furmo .

“in ka badan 97% ayaa dhacdaa inuu waqtigu ka lumo,iyada oo ay taasina keento khalkhalka ku dhacaya,waxaana taasi keena marka uu qofku hurdada yaraysto,ama saacado yar uu seexdo,waana mid qofka ku keenta isku buuq badan,sidoo kalena keenta inuu qofkaasi dadka karho,iyada oo maalintii oo aad seexataa aanay soo celin Karin hurada waqtigeedu habeenkii kaa go’ay”sidaasna waxa yidhi Dr Simo Arch oo kamid ah jaamacadda  Surrey kana mid ahaa kooxdaasi samaynaysay daraasadan.

“xubin kasta oo kamid ah jidhka bini’aadmigu waxay u baahan tahay nasasho kala duwan ,haddii ay weydona waxay keenaysaa dhibaato badan oo ay jidhka dib ugu keento ,waana mid u baahan in laga hortago xanuunadaasi iyo waxyaalaha keenaaya intaba,iyada oo laga yaabo in qofka aan seexan ama hurdadu ku yartahay xanuuno ka haleelaan dhinaca keliyaha ama wadnahaba ,waana mid khatara oo keeni karta dhimasho deg dega”.sidaasna waxa yidhi Professor Derk-Jan Dijk.

Daraasad hore oo ay diyaarisay xarun ku taala dalkaasi Denmark laguna magcaabo Danish Cancer Society ayaa lagu sheegay in habeenkii oo la seexan waayo ama hurdadu qofka ku yaraato ay keento inuu xanuuno badan qaado una nuglaado kuwo kale oo aan ahayn kuwa ku dhacay haddii ay xanuunadaasi hore u jireen,waxaanay xaruntaasi tilmaantay in hore looga daweeyey dumar badan oo kuwa habeenkii seexda ah kansarka naasaha ku dhaca ,waxaana lagu guulaystay 40% dumarkaasi kamid ah in la daweeyo.

Leave a Reply