Magaalada Dubai Oo La Filaayo Inay Ka Shaqo Bilaabaan Diyaarado Laydh Ku Shaqaynaaya

0
350

Shirkadda lagu magcaabo Volopopter ee hore loogu yaqaanay  E-volo ayaa heshiis la gashay shirkadda wadooyinka ee Dubai Roads and Transport Authority ( RTA) , heshiiskaas oo dhigaaya  in sannadkan ay u samayso magaalada Dubai  diyaaraddo Helicopters ah oo ku shaqaynaaya laydh, lana jaajar gareeynaayo laydhkaasi.

Dhacdadan iyo heshiiskan ayaa waxa uu soo jiitay warbaahinta caalamka, iyada oo tani muujinaysa sida ay magaalada Dubai uga fikirayso horumaradda dhinaca socdaalada ee mustaqbalka.

Masuulka shirkadda  Volokopter ahna aas aasaha shirkaddan Alexander Zussel ayaa sheegay in heshiiskaasi dhaqan gal yahay, sidoo kalena mashruucan si deg deg ah loo bilaabi doono, iyada oo isla sannadkan  la dhamayn doono.

Shirkaddan ayaa qaaradda Yurub caan ka ah , iyada oo soo saarta diyaaradaha yar yar iyo sidoo kalena gawaadhida yar yar ee sida diyaaraddaha loo sameeyo, iyada oo noqotay shirkadda ugu balaadhan ee soo saarta wax soo saarkaasi.

Diyaaaradan ayaa hadda tijaabadda hore noqon doonta mid duusha 27 kilometers, halka ay marka la dhamaystirona duuli doonto masaafo dhan ilaa 70 km/ saacaddiiba,iyada oo hore shirkaddani ula gashay hay’adda wadooyinka ee Dubai soo saarista  gawaadhi duulimaadyo samayn kara oo lamid ah kuwa ay Yurub ay ka samayso.

Sidoo kale tagsiiyo samayn kara dulimaadyo ayaa la filayaa inay shirkaddani keento magaalada Dubai , sannadka 2020 ayaana la filayaa inay si toos ah shaqooyinkooda u bilaabaan tagsiyadaasi, sida ay maamulka labada shirkaddood u sheegeen wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kazoo xigtay.

 

 

 

 

Leave a Reply