Wuxuu Amray In Sawirkiis Wadooyinka Lagu Xardho!

0
366

Saparmurat Niyazov wuxuu ahaa madaxweyinhii dalka Turkimistaan oo ka mid ahayd Jamhuriyadihii Sofiyeetka (Ruushka) waxaana lagu xusuustaa arimo badan oo  uu samayn jiray oo shacabkiisa yaab ku riday.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in magaciisa lagu xardho dhamaan dariiqyada waaweyn ee dalka.

Waxa kale oo madaxweynew Niyazov sameeyay in bisha koowaad ee sanadka oo ah bisha January uu ka bedelo magaca isagoo bishaasi magaciisa u bixiyay. Dalka meel kasta waxa uu amray in la sudho taalooyin sawirkiisa oo dahab ahi ku yaallo.

Madaxweynahn ayaa qoray buug uu bixiyay “The Spirit of Naama” waxaana uu ku qoray dhamaan dhaqanada iyo saqaafadda dalkiisa.

Qof kasta oo shaqo la siinayo waxa uu sharci ka dhigay in imtixaanka lagaga qaado inuu buugaasi macluumaadkiisa ku qoran wax laga weydiiyo, hadduu ku guulaystana shaqada la siiyo, haddii kale aan la siin si kasta oo uu aqoon iyo xirfad ugu leeyahay shaqada uu doonayo.”

Leave a Reply