Komishanka oo Sheegay in Qaadhaan-bixiyeyaashu u Bogeen Sida Xukuumadda Somaliland u Dabarayso Dhaqaalaha Doorashada Madaxtooyada oo Dhan

0
348

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda  Somaliland, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku ay la yaabeen markii ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo si buuxda u balanqaaday inay dabarayso  afarta milyan ee doolar ee  ku baxaya doorashadda madaxtooyada ee muddaysan 13-ka November ee sannadkan.

 

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay  in seerfarka lagu kaydiyo macluumaadka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay gacanta ku hayn doonaan muwaadiniin u dhashay Somaliland, halkii uu markii hore seerfarku ooli jiray waddanka Kenya.

 

Cabdiqaadir Iimaan, wuxuu sidaasi ku sheegay  waraysi uu siiyay suxufiga weyn  ee  Faysal Fadhfadhle oo ka tirsan Universal TV, waxaannu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku  bogaadiyay inay ku dhiiratay inay bixiso kharashka doorashadda oo dhan.

“Qaadhaan bixiyeyaashu may filaynin in xukuumaddu bixin karto kharashka ku baxaya doorashooyinka iyo diwaangalinta waxay is lahaayeen halkaas Somaliland kaga taga oo ku baabiiya oo Xamar hala caawiyo oo doorashada  Soomaaliya   ee makhsinka yar la iskugu  yimaado inta 2000 oo qof lagu ururiyo  ee  maalinta qudha la codaynayo, doorashadeennu sida ay u qabsoontaa way  ku yar tahay Afrika  in  doorasho noocaas ahi ay ka    dhacdo oo qof kasta geed hoostii loogu tago oo la diwaangaliyo,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Cabdiqaadir Iimaan, waxaannu intaas ku daray; “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dawladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed  Siilaanyo  sidii ay ugu dhiiraadeen, markii ay arkeen xaaladdu halka ay taagnayd in uu yidhaahdo madaxweynuhu annagaa iska bixinayna kharashka ku baxaya doorashooyinka iyo diwaangalintaba, waxaanay xukuumaddu bixisay lacagtii kaadh qaybinta,  lacagtii doorashadda   oo afar Milyan  oo doolar  ahna laba  milyan ayay bixisay, labada milyan ee hadhayna waxay bixinaysa Wasiirka Maaliyadu toddobaadka  ugu horeeya ee bisha August.

Markaa innaga ayaa isku tashanay waxaana ay gayaysiisay qoloooyinkii dhabarka inoo soo jeediyay inay dib u soo noqdaan oo ay yidhaahdaan wax wayn ayaad qabsateen oo ay ku qancaan in aynu arrintan innaga go’an tahay waxaannu  u caddaynay  Safiirkii  Maraykanka   ee dhawaan dalka yimmi in doorashada iyo kharashka ku baxaya  annagu  iska bixinayno   oo   aanu isku tashanay.Kenya oo inoo dhowi  iskama bixin karto lacagta ku baxaysa doorashada waana  laga kabaa.”

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi; “Waxaannu dejinay nidaam  ah imika wixii ka danbeeya inaanay   lacag badani ku baxaynin  doorashooyinka, Seerfarka   xogta lagu kaydiyaa wuxuu ooli jiray Kenya,waxa  maamuli jiray ajanabi, maanta waxa gacanta ku haya dad Somaliland u dhashay innaga ayaa gacanta ku hayna waana mishiin kala hufaya dadkii isdiwaan-galiyay.

kaadhka diwaangalinta waa kaadh adag oo aad u qiimo badan oo aan la foojari  garayn  karin haba yaraatee waxaannu   jirayaa muddo loogu talogalay,  markaa mar danbe ma dhici doonto in diwaan-galin kharash badani innagaga baxo.waxa jiri doonta marka 6 bilood ka hor maalinta doorashada sida doorashadda Baarlamaanka ee soo socota iyo doorashada goleyaasha deegaanka dadkii qaandhaadhka noqday ayaan   diwaan-gelinaynaa ee barigii hore yaraa kii ka maqnaana jaanis ayaa la siinayaa markaa waxa ay noqonaysaa in dad yari is diwaangaliyaan.”

 

“Kaadh qaybinta diiwaan-galinta codbixiyeyaashu maaha arrin xisbi  waxaa loo shaqaynayaa qaranka Somaliland, waxaanan  ugu baaqayaa dadweynaha inay qaataan kaadhka diiwaangalinta codbixiyeyaasha,si arrintu u noqoto mid qaran innagoo gacmaha is haysana xisbiyadii iyo komishankii marka la qaato kaadhadhka codbixiyeyaasha,  ayuu iman doonaa ololihii doorashadu,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply