Wasiirka Ganacsiga Cabasho u Gudbiyay Madaxweyne Ku-xigeenka oo Kormeeray Qaar ka mid ah Wasaaradaha

0
309

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay subax  kormeer kadis ahaa  ku soo maray qaar ka mida Wasaaradaha dawladda.

Ujeeddada kormeerka madaxweyne ku-xigeenka ayaa lagu sheegay inuu la xidhiidhay  dardar-gelinta shaqada Wasaaradaha iyo masuuliyiintooda.

 

Ku-simaha madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisaa ku soo maray Wasaaradaha Boosaha iyo isgaadhsiinta, Caafimaadka, Xannaanada Xoolaha, Beeraha,  Ganacsiga iyo  Duulista iyo Hawadda oo uu dardaraan u jeediyay masuuliyiintooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah,  Cumar  Shucayb Maxamed, oo Wasaaradiisu ka mid ahayd xarumihii uu kormeeray Madaxweyne Ku-xigeenku, ayaa faahfaahin ka bixiyay caqabado hor taagan shaqadii  wasaaradiisa, waxaannu yidhi  “Sharaf weyn ayay noo tahay in uu madaxweyne ku xigeenku nagu soo booqdo Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wasaaradda Ganacsiguna waa wasaaradaha ugu  ballaadhan ee uu leeyahay dalku , waxaanay ka kooban tahay shan waaxood, wasaaradani maadaama  ay tahay Wasaarad aad u ballaadhan waxa ay tahay caqabadaha hor yaalaa gobolladii kuma laha xafiisyo waa weyn, waxaanay ka mid tahay wasaaradaha ugu shaqada badan haddana aan hoos loo eegin, shaqadayaduna waa wax-soo-saar, dakhliga ay soo saartaana waxaa ay ku dhacdaa Wasaaarada Maaliyada.”

Wasiirka wasaarada caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa  sheegay in kormeerkan madaxweyne ku-xigeenku meesha ka saarayo tuhunnada ah inaan masuuliyiinta dawladdu xafiisyadooda aanay ka soo xaadirin waxaannu   yidhi;  “Waxaa jira warar badan oo been ah  oo  lala wareegayo oo la leeyahay Wasiirradii waa ay maqan yihiin oo ma shaqeynayaan aad ayaanu ugu faraxsanahay inaad noo timaado oo wararka meelaha lala wareegaya ay been yihiin tiro laba boqol iyo dheeraad ah ayaa ka shaqeeya waxaanay ka kooban tahay lix waaxood Wasaaradda Caafimaadku.”

 

 

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay kormeerkiisa, ayaa masuuliyiinta dawladda ugu baaqay inay gutaan waajibaadka ay qaranka u hayaan, waxaannu yidhi;  “Ujeeddada kormeerkaygu waxay ahayd inaannu dar-dar gelino hawlaha shaqo ee qarankan loo hayo, waxaanaynu ku jiraa xili kala guura, inaynaan is dhiganin fariinta aan idin farayaana  waxay tahay in saacadaha shaqada aad loo ilaaliyo, oo dadkanna adeega aynu u hayno aynu laba- laabi lahayn,  waa inaynaan  mashquulin doorashooyinka ee labada gacmoodba aynu ku shaqeynaa iyo u diyaar garowga doorashada iyo hawlaha aynu qaranka u haynaba waynu isku wadaynaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply