Hoggaamiyaaha Kuuriyada Waqooyi oo Hadallo Jeesjees ah u Diray Maraykanka

0
372

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa ku faanay tijaabadii guusha lahayd ee dalkiisa uu salaasadii ku sameeyey gantaal nooca riddada dheer ee qaaradaha isaga gudba ah.

Kim Jong Un, ayaa koox saynisyahano iyo farsamo-yaqaano ah u sheegay in Mareykanka “aysan ku farxi doonin” wax uu ugu yeedhay “xidhmo haddiyad ah” oo ay u direen, xilli ay u dabbaal dagayeen maalinta xoriyaddooda, sida ay sheegtay wakaaladda warrarka dalkaas.

Kuuriyada Waqooyi, ayaa gantaalkan oo looga magac daray Hwasong-14, waxa ay salaasadii ka tijaabisay garoon diyaaradeed oo ku yaalla meel ku dhow xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaalka uu gaadhay masaafo hawo oo dhan 2,802 KM kadib markii uu socday 39 daqiiqo.

Kadib qiimeyn ay sameeyeen, ayaa khuburo Mareykan ah waxa ay sheegeen in gantaalka uu u muuqdo inuu gaadhi karo gobolka Alaska ee dalka Mareykanka.

Wakaaladda Wararka dalkaas ee KCNA ayaa sheegtay in Kim Jong Un, oo “wejigiisa ay ka muuqato dhoola-caddeyn” uu saynisyahanada dalkaas ugu baaqay inay “hadiyado waa weyn iyo kuwa yar yar  si joogto ah ugu diraan Mareykanka”.

 

Leave a Reply