Dariiqyada Ayuu Dahabku Daadsan Yahay!

0
356

Wuxu ahaa muruq maal iskii u xoogsada oo nolosha kaslooni ku qaba laakiin Markii uu la kulmay danaystaha oo ka laabtay Yurub isagoo xabada kimis ah cunaya Mr.Wilaim oo dhalinyaro ah wuxu ku yidhi “ Waxan dareemayaa qadhaadhka nolosha aad ku jirto, markaan arko dharkaaga jeexjeexan, jidhkaaga dhuuban ee qabowga iyo gaajada la gariiraya iyo dariiqyada ay jiifsnayso.

Waa meel ka mid ah qaaradda Africa, ninkii ayaa haddana miskiinka ku yidhi “ miyaad weyday magaaladan cid wax ku siisa, iyo qoys aad ku xidhan tahay?  Haddii sidaasi tahay maxaad ka joogtaa iska tag, waxa jira magaalo gaajo iska daaye uu uu dahabka dariiqyada daadsan yahay.

Markiiba dareenka Miskiinka aya is bedelay oo hoos u yidhi “kasta oo ay noqoto waa inaan London dahabkeed doonta”. Xaqiiq safar dhib badan ka dib wuu gaadhay London. Waxay ahayd magaalo cidhiidh ah oo gaadiidku is dhaafayo, laakiin isaga taasi waxba kama gelin waxa uu dariiqyada ka raadinaya dahabka daadsan.  Sidii uu u wareegayay ayuu markii danbe gaajo la dhacay. Qoyskii guriga uu hor dhacay ku jiray ayaa arkay oo ka qaaday oo geeyay Isbitaalka isagoo miyir beelay. Fahamka khaldan iyo weedhaha aan runta ahayn noloshaada ayay duulaan ku yihiin.

Leave a Reply