Taliyaha Booliska oo 70 Milyan ku Wareejiyay Guddida Taakulleynta Abaaraha

0
331

Hargeysa (Dawan):  Taliyaha ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland sareeye  Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan,  ayaa ku wareejiyay gudiga ka soo kabashada abaaraha qadar lacageed oo dhan  70 milyan  (todobaatan milyan)  oo shilinka Somaliland ah.

Waxaanu taliyuhu tilmaamay in lacagtan laga soo ururiyay  askarta, saraakiisha,   min dable ilaa taliye,  lacagtaas oo ay  ugu  tala galeen inay kaga qayb qaataan gurmadka loogu jiro taakulaynta dadka abaaruhu haleeleen.

Munaasibad loo sameeyay wareejinta lacagtan ay ciidamadda boolisku soo bixiyeen oo shalay ka qabsoontay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka  soo qayb galay taliyaha ciidamadda booliska, hogaamadda iyo saraakiisha iyo sidoo kale wasiirka diinta iyo awqaafta oo xubin ka ah gudiga taakulaynta abaaraha, oo isagu  taliyaha lacagta kala wareegay.

Sareeyo  guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan,   oo ugu horeyn halkaasi  ka hadlay  waxa uu yidhi “Kulankii lagu qabtay madaxtooyada ee uu hogaaminayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee  ahaa ka soo kabashada abaaraha anagoo ka jawaabayna.

Ciidanka  boolisku wuxuu kaga qayb qaatay lacagtan hortee-na taala,  lacagtaas oo laga soo ururiyay min askari dable ah iyo taliyeyaasha. Lacagtan  oo dhan 70 milyan  (todobaatan millyan)  oo shilinka Somaliland oo aanu ku wareejinayno wasiirka diinta iyo aw-qaafta   xubina ka ah gudida ka soo kabashada abaaraha”.

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo isagu taliska booliska lacagtaa qaadhaanka ah kala wareegay  ayaa ciidanka booliska uga mahad celiyay sidii ay mar walba dadkooda ugu damqanayaan ugana qayb qaadanayaan taakulayntooda.

Waxaanu  yidhi “Waxay ciidanka boolisku balan qaadeen inay ka qayb qaadanayaan gar-gaarka iyo taakulaynta barnaamijka ka soo kabashada abaaraha oo ciidanka min sarkaal ilaa dable ay lacagtaasi ka wada timid oo aan ahayn tii ugu horaysay.

Ciidanka  boolisku wuu ka qayb qaata iyagoo wakhtigooda iyo awood waxay leeyihiin isugu geynaya ilaalinta nabad-galiyada,  hada-na kama hadhaan inay gacan ka geystaan ka soo kabashada abaaraha oo ah mashruuc aad iyo aad u mihiim ah”.

Dhinaca  kale  taliyaha booliska ayaa bulshada ugu baaqay inay si nabad-galiyo ah ay ku qaatan kaadhadhka codbixinta oo 8-da bisha ka bilaabmi doona goboladda Togdheer iyo Maroodijeex.

Taliye Cabdillaahi Fadal waxaa uu bulshada ugu baaqay inay si nabad-galiyo leh ay ku qaataan kaadhadhka codbixinta oo 8-da bishan ka bilaabmaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. waxaanu  yidhi “Waxaa bilaabmaya   8-da bishan  ka bilaabmaya bixinta   kaadhadhka  codbixinta,   waxaan bulsho-weynta reer Somaliland   u soo jeedinayaa inay kaadhadhka qaataan,  amniga-na  ay ilaaliyaan oo ay dhawraan,  lana shaqeeyaan ciidanka booliska, waana in ay dadku  safafka  si habsimi leh u galaan,   gaar ahaan  caasimada Hargaysa iyo caasimada labaad ee Burco.   Dadku  waa in ay gacan siiyaan ciidamadda booliska  lana shaqeeyaan sidii hore-ba looga bartay.” Ayuu yidhi C/laahi  Fadal.

Taliyaha    booliska waxa kale oo  uu ka hadlay  imtixaanka fasaladda 8-aad ee dugsiga dhexe oo  Sabtidii todobaadkan dalka ka bilaabay, waxaanu sheegay in ay   si nabad-geliyo ah  ku soo dhamaadeen.

“Sidaad wada og tihiin,  waxaa  dalka  socda imtixaanadii shahaadiga ahaa ee fasalada afraad iyo sideed,    kuwii fasalada sideedaad waxay ku dhammaadeen si nabad-galiyo ah,    kuwa kale-na (dugsiga sare)  ilaa beri  (maanta)  ayaanu eegeynaa in ay soo dhamaadaan,  waxaanu ciidanku heegan u yahay ilaalinta amniga guud   iyo hawlaha imtixaanadka” ayuu yidhi sareeye guuto C/laahi Fadal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply