Lafaha Dad Kumanaan Sanno ka Hor Chine ku Noolaa oo la Helay

0
329

Waxa wadankaasi Chine laga helay lafaha dad dalkaasi ku noolaa kumanaan sanno ka hor, siday sheegeen culimada Ataarta ee wadankaasi, waxaana lafahaas oo dhererkoodu gaadhaayo 1.9m laga helay gobolka Shandong ee wadankaasi Chine.

Culimada lafahaasi heshay oo ka hadlaysay lafahan ayaa sheegay in ay lafahani halkan ku aasnaayeen muddo dhan 5000 oo sanno, kuwaas oo da’dooduna isla intaasi jirto, waxaanay intaasi ku dareen in lafahan dhererkoodu yahay 1.9 m, waxaanay lafahani noqonayaan kuwii ugu da’da weynaa ee halkaasi laga helo uguna dhaadheeraa.

Fang Hui oo ka tirsan jaamacadda Shandong University oo ka hadlay arrintan ayaa yidhi “daraasadan ka dib markii aanu baadhitaan dheeraada samaynay waxaanu ogaaney  ama helay  in dadka halkan ku noolaa waqtigaasi ay ahaayeen kuwo dhaadheer , sidoo kalena gaadhi jiray dherer ahaan ilaa 190 m “.

Baadhitaannadan ayaa maamulka jaamacaddaasi iyo khubaro ku wehelinaysay bilaabeen sannadkii 2016 kii, iyaga oo ka bilaabay magaalada Jinan oo kamid ah gobolka Shandong oo ku yaala Barriga dalkaasi Chine, sida ay saraakiisha gobolkaasi u sheegeen wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan,waxaanay intaas ku dareen in ay rumaysan yihiin in halkani ay ka jirtay xadaarad aad u dheerayd , kuwaas oo deganaa ilaa dhinacyada wabiyga Yellow River ama Wabiga Huruuda ah.

Waxaanu waqtigaasi ku qiyaasay sannadihii 9000 ilaa 4500 ka hor dhalashadii Nebi Ciise .

Leave a Reply