Sucuudiga oo Sheegay inay sii Socon Doonaan Xayiraadihii Qadar

0
331

Sucuudi Arabiya ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan xayiraadaha ay saareen Qadar kadib markii ay iska diiday dhawaaqii kama danbeysta ahaa  ee waqtigii ay u qabteen dalalka jaarkeeda ahi.

Afarta wasiir dibadeed ee carabta  go’doomisay Qadar ee ku shirsanaa Qaahira ayaa sheegay inay ka xun yihiin jawaabta diidmada ah  ee Qadar ka bixisay liiskii dalabyadooda.

 

Dalalka Baxreyn, Masar, sacuudi Carabiya iyo dalka Isu taga Imaaraadka ayaa ka wadaxaajoonayay xaaladda dalka Qadar ,bil uun ka dib markii ay xidhiidhka u jareen .

Kulanka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ay ku yeesheen  magaalada Qaahira ayaa imanaya maalin uun ka dib markii uu dhamaaday waqtigii kama danbaysta ahaa ee loo qabtay Qadar in ay ku aqbasho shuruudaha loo soo bandhigay haddii kale ay wajihi doonto cunaqabtayn dheeraad ah .

Waxyaabaha laga dalbaday dowladda Qadar ayaa waxa ka mid ah in ay albaabada isugu dhufato oo ay xidho talafeeshinka Al Jazeera ayna xidhhiidhka u jarto dalka Iran.

Xukuumadda Qadar ayaa ku tilmaantay dalabaadkan mid aan macquul ahayn islamarkaana aan la fulin karin.

Qadar ayaa lagu eedeeyay in ay xasilooni darro ka abuurayso gobolka iyada oo taageeraysa kooxaha xagjirka iyo argagixisada – taasi oo ay Qadar beenisay.

Dalkan yar ee ku yaalla gacanka ayaa waxa cunaqabatayn dhaqaale iyo mid dublamaasiyeed ku soo rogay dalalka Sacuudiga,Masar ,Imaaraadka iyo Baxrayn.

Xanibaadahan ayaa jahwareer ku keenay dalkan qaniga ku ah gaaska iyo saliida islamarkana shacabka ku nool oo dhan 2.7 milyan ay ku tiirsan yihiin waxyaabaha dibadda looga keeno .

Maalintii Isniinta ayaa dowladda Sacuudiga iyo wadammada kale ee Carbeed ee ay jaalka yihiin waxey laba maalmood oo dheeraad ah ugu dareen Qadar in ay ku fuliso shuruudaha ay u soo bandhigeen.

 

 

 

 

Leave a Reply