‘Saldhiga Berbera Waxa Loo Adeegsanayaa Hawlgalada Lagu Ilaalinayo Biyaha Baddaha Gobolka’

0
366

Dubai(Dawan)- “Saldhiga Berbera waxa loo adeegsan doonaa hawlgalada  lagu  ilaalinayo biyaha baddaha gobolka,” sidaa waxa lagu bilaabay warbixin wargeyska Newsweek, lagu baahiyey Salaasadii 04 July.

Warbixintan lagu daabacay wargeyska Newsweek oo lagaga hadlayey jamhuuriyada Somaliland aanu idiin soo turjumnay ayaa u dhignayd sidan: “Labada waddan ee Khaliijka (Sacuudiga & Imaaraadka Carabta) ayaa xiligan saldhigyo ka samaystay goob ka mid ah biyaha ugu muhiimsan caalamka, kuna beegan gacanka Carabta.

Is-ballaadhintan millatari ayaa muujinaya baahidooda degdeg ee waddamada Khaliijku ku ilaalinayaan danahooda, gaar ahaan, wakhtigan oo amaankii gobolku xumaaday, waxii ka dambeeyey kacdoonadii Gu’ga Carabta ee bilaabmay sannadkii 2011.

Kala qeybsanka u ku keenay wadamada gobolka kacdoonadii Gu’ga Carabtu, waxuu dhaliyey in  February 12 sannadkan, wadanka Imaaraadka Carabtu hesiis kula galo Jamhuuriyada Somaliland saldhig milateri ay ku yeeshaan magaalada Berbera, oo masaafo gaadhaysa 278 Km barriga kaga beegan marinka Baabul-mandab.

Talaabdan ayaa timi xilli laba sannadood hortood ay wada xaajood ka dib ka samaynteen saldhig milateri ugu horeeyey dalka Imaaraadka Carabtu magaalada Asab ee Eriteria, 2015, masaafo 106 KM Waqooyi kaga beegan marinka Bab al-mandab.

Marin muhiimad weyn leh:

Marinka Bab al-Mandab, wakhtigan waa marinada ugu halisan ee maraakiibta qaada shidaalka ee caalamku adeegsadaan.

Muhiimada marinka Bab al_mandab ayey ugu weyn tahay inuu yahay mid ka mid ah sideeda dariiq ee maraakiibta shidaalka caalamku adeegsadaan, taasoo ay ka gudbaan xaddi gaadhaya  4.7 million foosto shidaal iyo badeecadaha laga farsameeyo shidaalka maalin walba, qalalaase ku yimaadaana, waxuu ku khasbayaa maraakiibta inay u weecdaan cidhifka kale Afrika.

Casriyeynta Ciidammada

Codkii Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland ugu codeeyey bishii February, sannadkan ogolaanshaha saldhig millatari oo Imaaraadku ku yeesho magaalada Berbera ayaa noqonaya goob ciidamada Badda iyo cirku isticmaalaan, sida qorshahii Imaaraadku u gudbiyey Somaliland dhigayey, xilligii wada xaajoodka.

“Wada xaajoodka saldhiga milateri waxuu barbar-socday heshiiskii shirkada DP World,” sidaa waxa sheegay Safiir Baashe Cawil Cumar, oo Somaliland u jooga dalka Imaaraadka.

“muhiimada wada xaajoodka waxa diirada lagu saarayey iskaashiga ganacsi iyo amaanka,” ayuu safiir Baashe u sheegay wargeyska Newsweek, qeybtiisa Barriga Dhexe. “Xukuumada Somaliland si weyn ayey u soo dhoweysay dhamaan iskaashiga, oo dhinacyada amaanka iyo ganacsigu ugu muhiimsan yihiin.” Ayuu raaciyey.

“Imaaraadka Carabtu waxay xafidanayaan Gacanka Carabta, halka Jamhuuriyada Somaliland muhiim u tahay amaanka dalkooda, maadaama xiligan xasilinta Gacanka Carabta muhiimad weyn leedahay,”

Taasi waa sababta, xilligan dalka Imaaraadka Carabtu u doorteen inay saldhig ka samaystaan dalka Somaliland. Heshiiskan ayaa u saamaxaya in Somaliland inay u hesho amaan biyaha badahooda, si aan hadhaaga warshada nukliyeerka lagu qubin, kana caaganaato kaluumaysi sharci-daro ah. “waxaanu leenahay xeeb dhererkeedu yahay 850 KM, oo ciidamo ku ilaalintooda loo baahan yahay.”

Fursadaha dalalka caalamka:

Sida uu sheegay Safiir Baashe Cumar, Jamhuuriyada Somaliland ayaa xiisaynaysa wadamo kaloo yimaada xuduudahooda, maalgelin dhinac walba ka heli kara. Heshiiska saldhiga ayey diidmo adag kala horyimaadeen wadamada Jabuuti iyo Soomaaliya.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in ku soo noqoshadii Safiirka Imaaradka ee Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ee dalkiisa ahayd amar kaga yimi Wasaarada Arrimaha Dibeda Imaaraadka.

Inkastoo Soomaaliya diidmo ka muujisay, dalka Imaaraadka Carabtu wuu sii watay hawlahiisii balaadhinta dhinac ganacsi iyo millatari.

Heshiiska Jamhuuriyada Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta ee saldhiga oo soconaya muddo 25 sannadood ayey qeyb ka tahay casriyeynta ciidamada Booliiska iyo Milateriga Somaliland.The UAE’s commitment to Somaliland over the next 25 years will include military exercises for its police and security forces.

“Heshiiska waxa qeyb ka ah in ciidamada Imaaraadku tabaro siiyaan ciidamada amaanka Somaliland, si loo gaadhsiiyo heer ay sugi karaan amaanka guud ahaan dalka Somaliland,” ayuu sheegay Safiir Baashe.There is an agreement that the [UAE army] will train our local security forces and the army to reach a level of efficiency that will ensure the protection of the entire country,” says Ali.

Sidoo kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa ilaalin doona xeebaha Somaliland, isla markaana u fududeyn doona helitaanka qalab iyo tababro ciidamada xeebaha Somaliland.

Qodobada heshiiska waxa ku jira in dalka Imaaraadka Carabtu maalgeliyaan dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka, Tamarta, iyo Biyaha, iyo weliba mashaariicda kaabayaasha adeegyada bulshada, sida dariiqa u dhexeeya Berbera iyo Wajaale.

Maalgelinta Imaaraadka ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa buuxinaya kaalintii siyaasada arrimaha dibeda ee Gobolka.

“Saldhiga Berbera waxa loo adeegsan doonaa taageerida hawlgalada lagu ilaalinayo biyaha baddaha gobolka.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply