Gaana oo Hawada Sare u Gantay Dayax gacmeedkeedii ugu Horeeyay

0
407

Gaana ayaa ku guuleysatay in ay hawada sare u dirto dayax gacmeedkeedii ugu horeeyay

Saataleytkan oo lagu magacaabo GhanaSat-1, ayaa waxa sameeyay  ardey dhigata jaamacada ‘All Nations University’  ee ku taal magaalada  Koforidua, waxaana looga direy hawada sare xarunta caalamiga ah  hawada.

Dad gaadhaya 400 oo qof oo ay ku jiraan injineeradii oo isugu  yimi magaaladaasi oo ku taal koofurta Gaana  ayaa farxad iyo reynreyn ooda jabiyay markii ay arkeen muuqaaladii diritaanka oo toos ah. Wax yar kadib ayaana la helay signalkii u horeeyay.

Barnaamijkan ayaa  soo afjaray mashruuc laba sano qaatay  oo ay ku baxday $50,000 (£40,000).

Mashruucan ayaa gacan ka helay heyadda sahaminta hawada sare ee Jabaan (JAXA).

 

Leave a Reply