Isbaheysiga Sacuudiga oo Wacad ku Marey inay Tallaabooyin Horleh ka Qaadi doonaan Qadar

0
382

Afarta dal ee hor boodaya xayiraadaha ka dhanka ah Qadar ayaa canbaareeyay diidmadeeda dalabyadii ay u soo bandhigeen, waxaanay ka digeen in ay qaadayaan tallaabooyin cusub oo aanay qeexin, kuwaas oo ka soo horjeeda Qadar.

Afartaasi dal oo kala ah Sacudi Arabiya, Bahrayn, Masar iyo Imaaraatka waxa ay sheegeen in ay dowladda Dooxa ku talogashay in ay sii wado  wax ay  ugu yeedheen  qas gelinta amniga gobolka.

Waxa ay sheegeen in tallaabooyinkaasi la qaadi doono hab waqtiyeysan oo ku habboon.

Afartaas dal ayaa xidhiidhkii u jaray Qadar bishii hore, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha jihaaddoonka ah.

Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu hor kacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa la filayaa in uu Isniinta gaadho dalka Kuwayd oo dhexdhexaadinaya dhibaatada Khaliijka.

War qoraal ah oo ay Khamiistii si wadajir ah u soo saareen Sucuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay ku sheegeen in diidmada Qadar ee 13-kooda dalab in ay ka dhigantahay sida ay u doonayso in ay sii wado siyaasaddeeda ay uga gol leedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.

Waxaa kale oo ay ku hanjabeen in ay soo saari doonaan tallaabooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah dalkaas yar ee Khaliijka ku yaalla, iyaga oo aan arrintaas faahfaahin dheeri ah ka bixinin.

Waxyaabaha ay dalalkaasi Qadar ka dalbadeen waxaa ka mid ah in ay albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay hoos u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay iyo sidoo kale in ay ku soo wareejiso dadka ay argagixisonimo u raadinayaan.

Leave a Reply