Jabuuti (Dawan)- MadaxweynahaJamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo booqasho shaqo ku jooga dalkaas.
Dr Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay kulankaas ka dib, ayaa sheegay inuu shirkaasi ahaa mid labada dhinac isku xog-waraysteen, waxaannu yidhi; “Is arragayaga Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu ahaa kulankii labaad, waxaannu kulanay madaxweynaha annaga oo wefti lix Wasiir ah, waxaannu yeelanay is xogwaraysi iyo kala talo-qaadasho. Waxyaabo badan ayaanu ka wadahadalnay oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga nabadgelyada, Dhaqaalaha, Adeegyada bulshada iyo guud ahaan duruufaha ka jira gobolka (Mandaqada).”
Wasiir Sacad wuxuu si weyn ugu Mahadceliyey Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha debadda JabuutI, Maxamuud Cali Yuusuf oo isaguna madaxweynaha ka hor la kulmay Weftiga Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaan aad ugu Mahadcelinayaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiintii na qaabishayba sidii quruxda badnayd ee la noo soo dhaweeyey taas oo ka turmaysa gacalka iyo xigaalka labada dal ka dhexeeya.
Weftiga Wasiirka Khaarajiga waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha debadda, Xannaanada Xoolaha , Waxbarashada, Xidhiidhka Goleyaasha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Ganacsiga, danjiraha Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland.
Dawannews Hargeysa office