Hargaysa(Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa uga digay saddexda xisbi qaran in olale siyaasadeed ku ladhaan kaadh-qaybinta diwaangalinta codbixiyayaasha, waxaanay ku booriyeen in aanay jabin xeerka anshaxa ee xisbiyada iyo guddida doorashooyinku kala saxeexdeen.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad lagu kala dirayay hawlwadeennada ka hawlgeli doona kaadh-qaybinta diwaangelinta codbixiyayaasha oo maanta ka bilaamaysa gobollada Maroodijeex iyo Togdheer. ayaa ku dardaaray masuuliyiinta xisbiyada in ay u hogaansamaan xeerka anshaxa ee ay saxeexeen.
“Waxaannu digniin u diraynaa xisbiyada qaranka, annagoo leh anshaxii aynu kala saxeexanay hirgaliya madaxdii bari ayaad tihiin sharciguna waa in uu qofka ka sareeyo,ma jiri doonto wax calamo ah ama dabaal-dega ama kaambayna oo xisbiyadu samayn karaan inta la qaybinayo kaadhka diwaangalinta codbixiyeyaasha, horana waa u wada hadalnay xisbiyada innagoo gacmaha is wada haysana saddexda xisbi iyo komishanka doorashooyinka in ay tagaan goballada ay ka bilaamayso kaadh-qaybinta codbixiyayaasha,oo ay dadka ku wacyigaliyaan qaadhashada kaadhka, iyadoo waxba la kala riixanayn oo mooraalka dadka kor loo qaadayo,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Dawannews Hargeysa office