Wasiirka Shaqadda oo Amar Culus ku soo Rogay Hay’adda iyo Shirkadaha Dalka

0
367

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada  Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, ayaa ugu baaqay shirkadaha ganacsiga, hay’addaha caalamiga ah iyo maxaliga ah ba u soo jeediyay in ay dhawraan dastuurka iyo qawaaniinta dalka, isla markaana ay ku dhaqmaan xeerka shaqaalaha Somaliland ee uu ansixiyay golaha Baarlamaanku.

Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaanu u soo jeediyay hay’addaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga ee ka hawl gala dalka in ay dhawraan xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee u shaqeeya isla markaana ay hannaankooda shaqo bixinta ay waafajiyaan nidaam caddaaladeed.

Maxamed Obsiiye isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan bayaamiyo arrin aan horena uga hadlay dhawr jeer, arrintaasi waxay khusaysaa shaqaalaha rayidka ah ee u shaqeeya shirkadaha ganacsiga, hay’addaha caalamiga ah iyo hay’addaha wadaniga ah ba, shaqaalaha rayidka ah waxaa la yidhaahdaa wixii ka soo hadhay shaqaalaha dawladda, markaa arrintaasi ayaan rabaa in aan bayaamiyo, waxaanan ka soo qaadan doonaa saddex qodob oo aan halkan kaga hadli doonaa, arrintaasna waxaa qeexaya xeer lambar 31, oo soo baxay sannadkii 2004, Baarlamaankuna uu ansixiyay xeerkaasi oo laga soo dheegay xeerka shaqaalaha. Xeerkaas ayaan rabaa in aan qodobo ka soo qaado oo aan bayaamiyo.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Xeerkaas ayaan rabaa in aan qodobo ka soo qaato oo aan halkan ka bayaamiyo qodobada 30-aad, 31-aad iyo 32-aad, saddexdaas qodob ayaan ka hadlayaa oo aan is leeyahay waa kuwa ugu muhiimsan isla markaana loo bahan yahay in ay fahmaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha labaduba. Waxaan ku horraynayaa qodobka 30aad ee xeerkan oo ka hadlaya diwaan-gelinta shaqaalaha iyo heshiiska shaqo labadaba, qofka shaqaalaha ah waa la diwaan gellinayaa heshiiska shaqo ee la wada galayna waa la diwaan gelinayaa, waxaana laga diwaan gelinayaa xafiiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.”

“Waa in heshiiska shaqo ee qofka shaqaalaha ah iyo loo shaqeeyaha ah waa in la diwaan geliyo, waa in heshiiskaa mid nuqul ka mid ah loo gudbiyo xafiiska waaxda sha          qada ee wasaaradda, heshiis kasta oo qof shaqaale ahi la galo hay’ad waa in nuqul ay wasaaraddu haysaa, sababtuna waxa weeye haddii qof xuquuqdiisa meel lagaga dhaco heshiiskaas ayay ku dhex gelaysaa wasaaraddu waxaanay qaranka uga wakiil tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdillaahi Obsiiye.

Wasiirku waxa kale oo uu Ha’yaddaha caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala uu ugu baaqay in ay ilaaliyaan caddaalada shaqo qorista shaqaalaha iyo u sinaanta fursadaha shaqo ee bannaanaada waxaanu yidhi “waxa kale oo aan ka hadlayaa qaabka shaqo qorista shaqaalaha, si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, iyo u sinnaanta fursadaha shaqo ee ka soo baxa hay’addaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah, shirkadaha ganacsiga, warshadaha wakiillada dawladaha oo safaaradaha ah, waa in qaabkan loo raaco shaqo qorista, waa in jago kasta oo ka bannaanaata hay’adaha waa in lagu faafiyo wargeysyada muddo laba todobaad ah, waa in imtixaanka laga qaadayo tartamayaasha ay wada jir u sameeyaan saddex xubnood, laba qof oo loo shaqeeyaha ka socda iyo sarkaal ka socda wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, saddexdaas qof ayaana diyaarinaya imtixaanka mana jiri-doonto in loo shaqeeyuhu uu imtixaanka isagu diyaarsado, ma dhici doonto hadda ka dib ee sidaas ha ogaadaan.”

Wasiirku waxa uu hay’addaha iyo shirkadaha ganacsiga uga digay in ay shaqaalaysiiyaan dadka ajaanibta ah, waxaanu yidhi “Ma bannaana in la shaqaaleeyo qof ajanabi ah, waxaa loo marayaa shaqaalayntooda sida xeerku jideeyay, waxaa loo marayaa sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Somaliland qodobkiisa saddexaad, farqadiisa 2aad, xubintiisa siddeedaas ay jidaynayso.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply