Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga hadlay sarrif-bararka iyo sicir-bararka is barkan ee cirka isku shareeray, isla markaana saamaynta xun ku yeeshay bulshada danyarta ah.
Maxamed Sheekh oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa sheegay in aan sarrif bararka iyo sicir bararka dalka ka taagan lagula dagaalami karin lacago uu suuqa geliyo baanka dhexe, waxaannu tilmaamay inaan loo marin waddadii saxda ahayd ee wax lagaga qaban lahaa sarrif bararka xadhkaha goostay.
“Waxa aynu la soconaa in sicir barar dalka aafeeyay, doolarkiinna halka uu sarifkiisu maray waynu la soconaa, isku dayo faro badan oo lacag suuqa xukuumaddu ku sii daysayna waa jireen, waxa aan qabaa ka xildhibaan ahaan in aan wadadii saxda ahayd loo marin sidii loola dagaalami lahaa sicir bararka iyo sarif baraka, sababta oo ah lacagta doolarka ah ee baanka laga saarayo ee suuqa la gaynayaa afar ganacsato ayay gacantooda gashaa, dabadeed inta ay qaataan ayay dib uga faa’iidaan iyagu,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Mudane Maxamed waxa uu sheegay in dad lagu naas-nuujiyo lacagta shilinka Somaliland ee uu Baanku galiyo suuqa ee uu kula dagaalamo kor u kaca ku yimid marar badan sarrifka doolarka, waxaannu yidhi “Waxaan qabaa in dad suuqa jooga lagu naas nuujinayo lacagtaa la leeyahay wax baa lagu jabinayaa, waxa aan soo jeedinayaa hadDii ay dhab tahay in sicir barar lala dagaalamayo in shaqaalaha dawladda mushaharka lagu siiyo doolar, taas ayaa wax ka jabinaysa, waxba jabin mayso labo milyan oo suuqa la dhigo oo ganacsato dib u qaadato oo saddex cisho ka dib uu milyan gaadho sarifka doolarku.”
Dawannews Hargeysa office