Dhoofka Xoolaha Somaliland oo Moosinka Xajka Bilaabmaya iyo Xoolihii ugu Horreeyay oo ku Jira Maxjarrada Berbera

0
368

Hargeysa(Dawan)- Dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland oo muddo xayirnaa,ayaa dib u bilaambaya isla markaana waxaa si toos  ah dekedda Berbera  toddobaadkan ka dhoofaya xoolihii ugu horreeyay ee ka dhoofa marsadaas.

 

 

Ganacsade Cali Ibraahim Ciise oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee xoolaha dhoofisa, kana mid ah wakiillada shirkadda  Al-jaabiri, oo Wargayska Dawan, wax ka waydiiyay in ay sannadkan  xoolihii moosinka Xajku in ay dhoofayaan iyo in ay wali xayiraaddii ay saaran tahay,ayaa ku jawaabay. “Xoolaha dhoofkoodii wuu bilaabmay oo imika iibsigoodii ayaa socda oo durba sayladihii ayuu ka bilaabmay iibsigii Xooluhu waxaanna jirta in qaybihii ugu horreeyay ee sayladaha xoolaha laga iibsaday in ay ku jiraan  Maxjarrada caafimaadinta Xoolaha ee Berbera si dhakhso ahna xooluhu way u dhoofayaan oo toddobaadkan gudihiisa ayay dhoofayaan xooluhu sidaas ayaanay u furmeen.”

 

Tallaabada ay xooluhu ku furmeen ayaa  ka dambaysay ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland dedaalo aad u badan ay galisay sidii dawladda Boqortooyada Sucuudigu ay xayiraadda uga qaadi lahayd dhoofka Xoolaha nool ee Somaliland,taasoo ay ku guulaysatay Xukuumadda Somaliland isla markaana ay si toos ah u dhoofayaan xoolaha Somaliland sannadkan moosinka Xajka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply