QM oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul

0
429

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ee ka dhacaya magaalada Mosul taasoo uu sheegay in loo geysanayo dad rayid ah oo lala xidhiidhinayo maleeshiyada Daacish ee laga xoreeyey magaalada.

Jan Kubis ayaa Isniintii u sheegay Golaha Amaanka ee QM in ay soo kordhayaan falal aargoosi ah oo lagu beegsanayo qoysaska loo maleynayo in ay u dhawaayeen maleeshiyadi Daacish ee laga saaray Mosul.

Kubis ayaa ku boorriyey Ra’isulwasaaraha Iraqi Haider al-Abadi inuu qaado tallaabo deg deg ah oo uu ku joojinayo weeraradaasi. Wuxuu intaasi ku daray in ficilada aanan caddeynta loo hayn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ay ku xadgudbeyso dastuurka Ciraq iyo qawaaniinta Caalamiga ah.

 

Leave a Reply