Gabiley: Xisbiga KULMIYE oo Iska Fogeeyay inay Guri WADDANI ka Qaadeen

0
333

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley, Axmed Maxamuud Shirwac, ayaa been abuur  iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay  warar maalmahan la isla dhexmaryay  oo sheegayay in  guri ku yaalla magaaladda Gabiley oo uu kiraystay xisbiga WADDANI in xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ka xidhay.  

WaxaaNnu guddoomiyaha KULMIYE ee Gabiley ku dooday in gurigaas uu muddo hore kiraystay xisbiga KULMIYE lacagta kiradana uu bixiyay, isla markaana ay arrintaas markhaati iyo cadaynteedda u hayaan Nootaayadii ay kala qorteen iyaga iyo mulkiilaha gurigaas.  “Gurigan haddii aan sida dhabta ah  kuu sheego,  gurigaa anaga (xisbiga KULMIYE) ayaa kiraysanay. Muddo ayuu noo kiraysnaa,  lacagtana waanu bixinay, sifahaas sharciga ah ayaanan ku kiraysanay. Arrintaasi badhasaabka gobolka ayaa ka garnaqay  aniga iyo  guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee  Gabiley,  Muuse C/laahi, waanan ku kala calaf-qaadnay arrintaas” ayuu yidhi md.  Shirwac oo shalay  magaaladda Hargaysa ugu waramay HCTV.

 Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gabiley ayaa ka hadlay eedaymo uu dhawaan xisbigoodda iyo komishanka doorashooyinka ee gobolka Maroodijeex u jeediyay guddoomiyaha ololaha ee xisbiga WADDANI  Xamse Khayre. Eedahaas oo ahaa in goobo ka mid ah meelaha laga qaadanayay  kaadhka codbixinta ee magaaladda Gabiley ay sii shaqeeyaan saacado ka dheeraad ah wakhtiga loo cayimay iyo  in ay subaxdii furaan goobaha qaarkood  xili ka horeeya wakhtiga caadiga ah.Hase yeeshee Axmed Maxamuud Shirwac, ayaa eedahaasi  ganafka ku dhuftay.  Waxaanu yidhi “Xamse, eedaymo wuu soo jeediyay, hase yeeshee eedayntiisu mid jirta may ahayn. Dadka kaadhka qaadanayaa wakhti ayay leeyihiin, haddii ay weli  safka taagan yihiin  ay ku sii jiri karaan ilaa inta ay dhamaanayaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply