Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley, Axmed Maxamuud Shirwac, ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmahan la isla dhexmaryay oo sheegayay in guri ku yaalla magaaladda Gabiley oo uu kiraystay xisbiga WADDANI in xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ka xidhay.
WaxaaNnu guddoomiyaha KULMIYE ee Gabiley ku dooday in gurigaas uu muddo hore kiraystay xisbiga KULMIYE lacagta kiradana uu bixiyay, isla markaana ay arrintaas markhaati iyo cadaynteedda u hayaan Nootaayadii ay kala qorteen iyaga iyo mulkiilaha gurigaas. “Gurigan haddii aan sida dhabta ah kuu sheego, gurigaa anaga (xisbiga KULMIYE) ayaa kiraysanay. Muddo ayuu noo kiraysnaa, lacagtana waanu bixinay, sifahaas sharciga ah ayaanan ku kiraysanay. Arrintaasi badhasaabka gobolka ayaa ka garnaqay aniga iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee Gabiley, Muuse C/laahi, waanan ku kala calaf-qaadnay arrintaas” ayuu yidhi md. Shirwac oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramay HCTV.
Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gabiley ayaa ka hadlay eedaymo uu dhawaan xisbigoodda iyo komishanka doorashooyinka ee gobolka Maroodijeex u jeediyay guddoomiyaha ololaha ee xisbiga WADDANI Xamse Khayre. Eedahaas oo ahaa in goobo ka mid ah meelaha laga qaadanayay kaadhka codbixinta ee magaaladda Gabiley ay sii shaqeeyaan saacado ka dheeraad ah wakhtiga loo cayimay iyo in ay subaxdii furaan goobaha qaarkood xili ka horeeya wakhtiga caadiga ah.Hase yeeshee Axmed Maxamuud Shirwac, ayaa eedahaasi ganafka ku dhuftay. Waxaanu yidhi “Xamse, eedaymo wuu soo jeediyay, hase yeeshee eedayntiisu mid jirta may ahayn. Dadka kaadhka qaadanayaa wakhti ayay leeyihiin, haddii ay weli safka taagan yihiin ay ku sii jiri karaan ilaa inta ay dhamaanayaan.”
Dawannews Hargeysa office



















