“Togdheer waa lagu kala badiyey, waannu ka soo ambo-bixinay qoladii WADDANI goballada bariga”

0
331

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka    Wasaaradda   Hawlaha   Guud, Gaadiidka  iyo   Guriyaynta Jamhuuriyadda   Somaliland, Md.   Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan),  ayaa sheegay in  xisbiga WADDANI  joojiyeen olalihii ay dhex wadeen kaadh qaadashada diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee Gobalka Togdheer,  markii ay arkeen taageerada muga leh ee  xisbiga KULMIYE  ka haysto bulshada gobalkaas.

 

Wasiir Cali Mareexaan    wuxuu   ku eedeeyay xisbiga WADDANI inay iyagu bilaabeen    in olale la dhex geliyo   qaybinta kaadhadhka  codbixiyayaasha  ee ka socota goballada Togdheer iyo Maroodijeex.waxaannu caddeeyay in xisbal-xaakimku kaga taageero badan yahay WADDANI gobolka Togdheer oo uu ka soo jeedo.

 

“Xeer ayaa la saxeexay qofkuna haddii uu masuul yahay  waxa uu saxeexo   waa inuu u hoggaansamo  waxaannu  aragnay calamo lala taagan yahay Sheekh iyo Qoyta  markaanu magaalada Burco galnayna Huteelkii aanu ku jirnay ayaa waxa noogu soo galay dhallinyaro calamo sidatay iyadoo la isku ogaa in komishanka loo hoggaansamo  haddii wax isbeddeleen oo kaambayn bilaamay waxa istaadhay Xisbiga WADDANI,”ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud oo ka hadlayey  xaflad degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ay taageereyaasha xisbal-xaakimku u sameeyeen weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Wasiirku waxa uu xusay in WADDANI uu fajiciso kala kulmay soo dhaweyntii loo sameeyay weftigii Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu yidhi;  “Dabadeedna markii  xisbiga WADDANI daad qaaday ayay cabanayaan oo ay leeyihiin    meel baa calan laga dejiyay iyo   nin baa tuullo loo diiday,  durba qaylo ayaa ka soo hadhay  waxaan leeyahay   ragga waawayn lama soo doonto  ama lama   yaabo. Daan-daansigiinna waa  halkaa la maraysa hadday moodayso in ay sidan ku noqonaysana Hudheelada ayay iska geli la haayeen.”

 

“Siyaad Bare berigii Xamar laga saaray meel la yidhaahdo Buur-dhuub ayuu tagay markii uu dadkii uu waayay wuxuu  u khudbadeeyey geel waxaannu yidhi “Miyaydaan ogayn in aan ahay madaxweynihii xaqa ahaa ee Soomaaliya, qoladii WADDANI ee aannu ka soo saarnay Togdheer annagoo magaalo u khudbadaynayna ayay geed ka khudbaynayeen oo ay  lahaayeen ‘makhluuqa intaa leeg ee noo soo baxay ee WADDANI taageeersan.’ gobolka Togdheer  waa lagu kala badiyay, taageeraduna way muuqataa. waannu  ka soo ambo-bixinay goballada bariga qoladii WADDANI, marka koox weerarada lagu badiyo (Ciyaaraha)  difaacooda  ayaa khal-khala  markaa difaacoodu wuu khalkhalsan yahaye weerarada u sii badiya ayaan leeyahay reer KULMIYE,”ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Dawannews Haregysa office

Leave a Reply