Haweeney 86 Jir ah oo Tuugo looga Caal waayay

0
375

Haweeney 86 sano jir ah oo ku caanbaxday xatooyada waxyaabaha dumarku xidhaan ee sida dahabka oo kale ayaa markale loo maxkamadeeyay xatooyo.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Doris Payne ayaa sida la sheegay ku hawlanayd xatooyadu tan iyo sanadihii kontomaadkii, waxaana haatan lagu sii daayay dammaanad.

Waxaa lugta uga xidhnaa qalab lagu la soconayo dhaq-dhaqaaqeeda oo lagu xidhay kadib markii ay dukaan wax ka xadday.

Payne waxay soo qaadatay sannadooyin badan oo xadhig ah oo wakhtiyo kala geddisan ahaa. Waxa la aaminsanyahay in ay xadday dahab qiimihiisu lagu qiyaasay labo milyan oo doolar, waxayna ka soo muuqatay warbixin laga saameeyey 2013-kii.

Qof ka shaqeynayey dukaan ayaa arkay iyadoo wax ka xadaysa farmashiyo lagu iibiyo dawooyinka, dukaan lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya iyo xitaa goobo lagu iibiyo qudaarta.

”Waxaan ka hadlayno waa waxa daruuriga ah ee ay u baahan tahay qof 86 sano jir ah si ay u noolaato. Waxa ka mid ah cunno, iyo daawooyin.”

Waxa dhowaan lagu helay dambi ah in ay xadday dahab gaadhayey labo kun oo doolar, kaasi oo ay ka xadday dukan ku yaala magaalada Atlanta.

Waxa lagu xukumay xabsi guri, waxaana laga mamnuucay in ay ka dukaamaysato dukuumada ku yaala magaalada.

Saraakiisha ayaa sheegay in haweenaydan ay adeegsatay ugu yaraan 22 magac oo kala geddisan tan iyo markii ugu horraysay ee ay xadday dahabkii ugu horeeyay markii ay da’deedu ahayd 23 sano, waxaana laga yaabaa bay leeyihiin in ay jiraan xatooyo badan oo ay samaysay oo aanan loo xidhin ama loo maxkamadeyn.

Leave a Reply