Magaalo ku Taal Kanada oo Diiday inay Muslimiintu Sameystaan Qubuuro

0
369

Magaalo ku taalla dalka kanada ayaa diiday qorshe lagu doonayay in ay qubuuro  ka sameystaan Muslimiinta magaaladaasi.

Afti ayaa laga qaaday dadweynaha magaalada Saint-Apollinaire, oo ay ku nool yihiin 5,000 oo qof.

Sharciyada ka jira gobolkaasi dartood, 49 qof oo kali ah ayaa xaq u lahayd inay u codeeyaan aftida, balse 36 qof oo kali ah ayaa codeeyay. 19 ka mid ah dadkii codeeyay ay diiday dhismaha qabuurhaasi, halka 16 qof-na ay oggolaadeen, iyadoo hal codna uu khasaaray.

Qabuuraha waxaa dalbaday xarunta dhaqanka Islaamka ee magaalada Quebec.

Waxaa bishii January halkaasi ka dhacay toogasho lagu dilay lix qof, laguna dhaawacay 19 kale.

“Uma haysan in ay jiri doonaan dad ka hor iman doono sameynta qubuurahan. Maxay ka cabsoonayaan?”, ayuu yidhi Maxamed Labidi oo madax ka ah xaruntaasi dhaqanka Islaamka ee Quebec.

Xaruntaasi ayaa gadatay dhul ay ugu talagashay in lagu aaso Muslimiinta ka dib toogashadaasi bishii January.

Go’aanka magaalada Saint-Apollinaire ee ay ku diiday qubuuraha Muslimiinta ayaa ka cadheysiiyay Muslimiinta ku nool dalka Kanada, waxaana laga yaabaa inay horseedo cabashooyin dhinaca xuquuqda aadanaha ah.

Duqa magaaladaasi ayaa taageeray fikradda qabuuraha Muslimiinta wuxuuna sheegay in uu ka walaacsan yahay sida go’aankani u dhaawici kara sumcadda magaaladiisa.

“Waxaan u baahannahay qabuuro soo dhaweeyo qof walba iyadoo aan la eegeyn diinta uu qofku aaminsan yahay, dhaqankiisa iyo midabkiisa toona”, ayay tidhi Sunny Létourneau oo ka mid ah dadka diidan qubuuraha.

 

Leave a Reply