Ra’iisalwasaaraha Australiya oo Jawaabo ka Dalbanaya Maraykanka

0
403

Ra’iisalwasaaraha Australiya ayaa sheegay in uu jawaabo ka dalban doono dalka Maraykanka si wax looga ogaado dilka aan faahfaahinta badan laga haynin ee askariga Maraykanka ah uu u gaystay gabadh Australiyaan ah.

Justine Damond oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Sydney ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ka dib markii ay iyadu u yeedhay booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.

Xukuumadda Maraykanka ayaa arrintaas baadhitaan ku haysa, waxayse sheegtay in aysan ku qasbikarin askariga in uu caddaymo bixiyo.

Ra’iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ay ka go’antahay inay ogaato “sida masiibadan ay u dhacday”.

“Siday ku dhici kartaa in haweenay qabta dharkii jiifka oo codsatay gargaar in sidaa loo toogto?” Ayuu ku yidhi warbaahinta gudaha ee Nine network.

“Waa dil argagax leh, jawaabo ayaana dalbanaynaa anaga oo ku hadlayna magaca qoyskeeda.”

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in haweenaydaasi oo 40 jir ah oo qabtay dharka jiifka ay u dhaqaaqday dhanka gaadhigii uu booliisku watay markii la toogtay Sabtidii.

Leave a Reply