Welwelka ka Dhasha Adeegsiga internet-ka!

0
377

Daraasaddan oo uu sameeyey ururka khayriga ah ee Ditch the Label ayaa sheegtay in mid ka mid ah saddexdii qof ee da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 20 jir ay sheegeen in ay cabsi ka qabaan isu xoog sheegashada dhalinyarada ee xagga internet-ka

Boqolkiiba 40 da’ yarta la waraystay ayaa sheegay inay xumaan dareemaan marka aan si wanaagsan loo bogaadin sawiradda ay soo dhigaan baraha bulshada ay ku wada xidhiidho, halka boqolkiiba 35 ay sheegeen in kalsoonidooda ay si toos ah ugu xidhan tahay tirada asxaabta ay ku leeyihiin barahaasi.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 10,000 oo dhalinyaro ah kuwaasoo ay da’dooda u dhexeyso 12 ilaa 20 jir, arimaha lagu ogaadayna waxaa ka mid ah in isu xoogsheegashada iyo aflagaadada dhalinta ay ku badan tahay internet-ka.

Ku dhawaad kala badh dhalinyarada la waraystay ayaa sheegay in aanay waxyaabaha xun ee nolashooda ku dhaca aanay kaga hadlin baraha bulshada, iyagoo ka cabsi qaba in lagu caayo.

Liam Hackett oo ah madaxa hay’adda Ditch the Label ayaa sheegay in arintaasi ay keentay in dhalinyarada ay ka fekeraan sida looga arko baraha bulshada, oo ay hilmaamaan nolashooda caadiga ah.

Waxa uu ugu baaqay shirkadaha leh baraha bulshada inay waxbadan ka qabtaan fariimaha la isku dhaafsado boggagooda, ayna si wanaagsan uga jawaabaan cabashooyinka soo gaadha.

Waxyaabaha ay soo bandhigtay daraasaddan ayaa si weyn uga duwan mid horaantii bishan uu sameeyay mac-hadka jaamacadda Oxford u qaabilsan internet-ka oo sheegay in isu xoogsheegashada dhalinyarada ee internet-ka ay yartahay.

Balse khubarada daraasadaha ayaa sheegaya in kala duwanaanshiyaha uu ka dhashay qaabka loo dhigay su’aalaha la waydiiyay dhalinyarada.

Daraasad su’aalo lagu waydiiyey da’yar Ingiriis ah ayaa muujisay adeegsiga baraha bulshada ee internet-ka ay ku abuurto dhalinyrada welwel badan.

 

 

 

Leave a Reply