Dordtenaar(Dawan)- Safiirka Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Netherland, Maxamed Yuusuf Buux, ayaa sheegay inuu baarlamaaanka dalkaas horgeyn doono dalab la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.
Warbixin ku saabsan waraysi Safiir Maxamed la yeeshay wargeyska Dordrecht oo ka soo baxa dalka Netherland oo shalay la baahiyey ayaa lagu bilaabay:
“Baahinta qaddiyada jamhuuriyada Somaliland waa hadafkayga,” ayuu sheegay Safiirka cusub ee Somaliland u jooga Netherland. Somaliland oo madaxbannaanideedii kala soo noqotay dalka Soomaaliya weli aqoonsi caalami ah ma helin. “Waxa joogay digtaatar burburiyey guud ahaan dalkii Soomaaliya,” ayuu yidhi waxaannu intaas ku ladhay; “Intii badnayd dadkii way qaxeen Somaliland, sidaas ayaanan ku immi dalka Netherland sannadkii 1990-kii.”
“Jamhuuriyad Somaliland waa dal buuxiyey shuruudahii madaxbannaanida, Inkastoo dhaqaalaha dalku aanu badnayn, sheyga ugu muhiimsan ee yaalaa waa xorriyadda,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Buux, waxaannu u mahadceliyay bulshada dalkaas; “Bulshada dalka Netherland waa dad wanaagsan, soo dhoweeya martida.”
Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire socdaal ayuu ku yimi dalka Netherland, waxa qaabilay dhigiisa Netherland, si wanaagsan ayaa loogu soo dhoweeyey.
Mr.Buux ayaa sheegay inuu qaddiyada jamhuuriyada Somaliland gaadhsiin doono bulshada dalka Netherland, isla markaana dalab u gudbin doono baarlamaanka dalka Netherland lagu aqoonsanayno madax-baNnaanida Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxaan gaadhsiin doonaa qaddiyada Somaliland bulshada Netherland, isla markaana u gudbin doonaa dalabka aqoonsiga dalkeenna baarlamaanka Netherland.”
Dawannews Hargeysa office