Wasiirka Khaarajiga oo Caddeeyay in Fursadihii Somaliland Lagu Aqoonsan Lahaa ay soo Dhawaadeen

0
364

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire,  ayaa sheegay inuu  rajo-weyn  ka qabo in beesha caalamku dhawaan ay aqoonsato gooni isu-taagga Somaliland.

Waxa kaloo uu xusay in Somaliland ay tahay waddan Geeska Afrika uu ku badhaadhey oo aan khatar ku ahayn amaanka iyo horumarka mandaqada Geeska Afrika.Waxaannu  beesha caalamka ugu baaqay inay tixgaliyaan rabitaanka shacabka Somaliland

Wasiir Sacacd wuxuu   sidaas ka sheegay munaasibad ay soo qabanqaabisay wasaaradda khaarajigu oo  lagu xusayay qabtay 100 sanno guuradii ka soo wareegtay intii ay ku jirtay maabka dunida oo habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

“Waxa lagu noolaa Somaliland toddoba kun oo sannadood ka hor taariikhdeedu intaas ayay soo taxneyd, laakiin maanta taariikhda cusubi waxay bilaabantay 20/7/1887-kii waxaana caawa (habeen hore) laga jooga boqol iyo soddon sannadood maalintii  aynu si rasmiya uga mid noqonay maxmiyadihii Ingiriiska laga bilaabo maalintaasi Somaliland waxaa ay maabka dunida ku lahayd bugcad u gaar ah oo waxay ahaan jirtay  dal gaar ah. waxaana maalintaas ka soo wareegay boqol iyo soddon sannadood, laakiin innagu boqol iyo soddon sannadood xusi meyno ee waxaynu xusaynaa boqol sannadood, waayo 30-sannadood ayaynaan maab inoo gaara ku lahayn caalamka oo waxaynu  ka mid ahayn Soomaaliya boqolka kale Somaliland gooni ayay u taagneyd oo maabka caalamka ugu jirnay,”ayuu ku dooday Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Wasiirku waxa uu sheegay in niyadsamidii shacbiga reer Somaliland ay kula midoobeen Soomaaliya ay ka dambarsadeen burbur iyo xasuuq, waxaannu yidhi;  “Nasiib-darro soddonkii sannadood ee aynu Soomaaliya ka mid ahayn himiladeennii iyo hamigeennii ma uu xaqiiqoobin, halkii aynu ka filaynay horumar barwaaqo , caddaalad iyo sinaan, ayaa waxaa innagu dhacay caddaadis,  takoor, burbur,  dil iyo dhac, dhab ahaana dadka reer Somaliland ay u adkaysan waayeen, kana dhiidhiyeen horaantii 80-maadkii halgankaasi oo ku dhammaaday burbur lagu sameeyay Somaliland, waxaynu ka xorownay Soomaaliya sannadkii 1991-kii markii Burco la iskugu  tagay dadkeenu markii ay dib u milicsadeen wixii ina soo qabsadey waxay aqoonsadeen inaanay taasi ina anfaceyn aynu la soo noqono xornimadeennii aynu dhiibnay innaga oo xor ah  1960-kii maalintaasi oo ay inoo bilaabtay taariikhda labaad ee aynu maabka aynu ku leenahay.”

“Somaliland ka hor intaynaan xornimada qaadan iyo kadib markii aynu la soo noqoneyba cid ay ku haysay dhibaato may jirin, dhab ahaanna geeska Afrika  wuu ku badhaadhay Somaliland  marka laga eego dhinacyada nabadda iyo xasiloonida, waa lagu badhaadhay run ahaantii gobolku, Somaliland cid waliba waa in ay soo dhaweyso wax ay Somaliland uga baqataa ma jirto, kaalin-weyn ayaynu ka galey ilaalinta xasiloonida ku dhaqanka sharciga caalamka geeska Afrika,”ayuu yidhi Dr. Sacad.

 

Waxa kaloo uu  faahfaahiyay   guulihi ay gaadhay  Somaliland 26kii sannadood ee ay la soo noqotay madax-bannaanideeda,  waxaannu yidhi; “Somaliland waxay buuxisay wax kasta oo shuruuda oo looga baahan yahay waddan madax-bannnaan oo beesha caalamka ka mida, haddii ay tahay xaga maamulkana Somaliland waxay leedahay dawlad ay dadku doorteen iyo baarlamaanka la soo doortay, waana waddan isagu xuduudihiisa badda, barriga, iyo  cirkaba awood u leh inuu ilaashado, awoodna u leh inuu heshiisyo la galo waddamo, hay’ado iyo  shirkadahaba.

Somaliland inay tahay dal jira muran kama taagna maanta 26-sannadoodna inagamey lumin waxaa la inoola macaamilaa waddan jira inaynu nahay, haddii aad Google-gareyso Somaliland maabkeeda iyo calankeeda ayaa meel walba kaaga soo baxaysa, laguna odhan maayo waa laga waayay amase kuma jirto, wey jirtaa waanay jiri doontaa Insha Allaah, cidda aan xog ogaal u ahayn Somaliland-na waxaan u sheegayaa in ay Somaliland leedahay ciidankeeda iyo baasaaboorkeeda, lacagteeda, astaamaheeda dawladnimo.”

“Mararka qaar waxa la yidhaahdaa inyar oo siyaasiyiinna uun baa doonaysa Soomaali inay kala goyso oo  Somaliland-na ku khasbaysa inay inta kale ka go’do, Somaliland maalintii ay xoriyadeeda dib ula soo noqotay waa loo dhammaa maalintii aftida laga qaaday ee 2001-kii inyar oo meel fadhiisatay  umay go’aamin ee dadka ayaa go’aansaday, hal milyan iyo 21  kun oo qof  ayaa saxeexay oo Somalilander ah in Somaliland beesha caalamku aqoonsadaan, markaa Somaliland riyo maaha, waa waddan ay dadkiisu u soo halgameen dadkiisuna doorteen  kuna fadhiya rabitaanka dadkiisa, caalamkana waxaannu marti uga nahay inay tixgaliyaan rabitaanka dadka reer Somaliland, dhawr iyo labaatan waddan ayaynu ku leenahay wakiillo.

Sida aynu wax u wadno haddaynu  u wadnana muddo aan fogeyn ayaynu helayna Ictiraafka aynu raadineyno sidaasi ayaan ku rajo weynahay,”ayuu khudbadiisa ku soo khatimay Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply