Xukuumadda oo Midaynaysa Manhajka Maddaarista iyo Macaahidda Diiniga ah

0
7

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada diiniga ah ee  dalka, kaddib markii ay bilowday qorshe lagu midaynayo manhajka madaarista iyo macaahida diiniga ah, iyo isku-xidhka shahaadooyinka ay bixiyaan xarumaha waxbarashada diiniga ah. Tallaabadan ayaa ka dhalatay kulan istaraatiiji ah oo dhex maray Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo iskaashiga joogtada ah ee labada wasaaradood, loona heli lahaa hannaan mideysan oo kor loogu qaadayo tayada waxbarashada diiniga ah.

Go’aankan ayaa ka tarjumaya dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto tayeynta waxbarashada, isku-duwidda nidaamyada kala duwan ee waxbarasho iyo xaqiijinta in ardayda dhigata madaarista iyo macaahidu helaan hannaan waxbarasho oo tayo leh isla markaana  leh aqoonsi iyo nidaam mideysan. Kulan istaraatiiji ah ee ay yeesheen Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta labada hay’adood, iyadoo la isla qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo daraaseeya sidii loo diyaarin lahaa qorshe mideysan oo lagu horumarinayo waxbarashada diiniga ah.

Tallaabadan waxay muujinaysaa aragti fog iyo masuuliyad dhab ah oo xukuumadda Somaliland diirrada ku saarayso horumarinta iyo hagaajinta mustaqbalka waxbarashada dalka, maadaama isku-xidhka manhajka iyo shahaadooyinku ay kaalin weyn ka qaadan karaan tayeynta aqoonta, kobcinta fursadaha ardayda iyo dhisidda jiil leh aqoon isku dheelitiran oo ka faa’iidaysan kara baahiyaha bulshada iyo dalka.